Siyaasigii Macmiisha U Ahaa Aroor Walba Dhaliishiisa

0
Monday March 28, 2022 - 09:03:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasigii Macmiisha U Ahaa Aroor Walba Dhaliishiisa

    Siyaasiga naftiisa ku kalsoon iyo ka wakhtigu keenay aan ku kala baro;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga naftiisa ku kalsoon iyo ka wakhtigu keenay aan ku kala baro;

Markaad warbaahinta ka shaqayso ayaad kala baranaysa siyaasiga dhabta ah iyo ka waayuhu siyaasiga ka dhigay.



Wasiirkii Maaliyada ee UDUB Xuseen Cawil Ducaale wuxuu ahaa ka loogu cay iyo dhaliisha badan yahay; warbaahinta oo wakhtigaas ugu afdheeraayeen wargeysyadu waxay maalin walba bogga hore ku daabici jireen war negative ku ah wasiirka.


 Wakhtigaas waxaan joogay Haatuf anaga oo saaka war dhan ka ah wasiirka qornay oo waliba macmiil joogta ah u ahaa oo uu biil ku bixin jirey caydiisay oo uu aroor walba xafiiskiisa ugu keeni jirnay ayuu habeenkiina lineka wargeyska naga soo garaaci jirey.


Wasiir Cawl: adeero ii warama.

Wargeyska; waa kuma

Cawl:: adeer waa wasiir cawil iii warama; adeer hawl fiican baad qaranka ku haysaan;  bal ka warama xaalkiina adeer shaqada haysaan waa hawl culus waad ku saxsan tihiin inaad nala xisaabtantaan dhamaan qarankan u wada shaqaynaynaa.


Wasiirka sidaas noola hadlaya saakaan wax ka qornay caawana mid isaga ka dhan ah baanu wadna sidaas miyirka qabtana wuu noola hadlayaa.


Arintaasi waxay tilmamaysa kalsoonidiisa; ujeedada uu ka leeyahayna waa in uu na saameeyo oo uu naga bedelo fikrada aanu ka aaminsanahay oo ahaa inuu yahay nin xun.


Wuxuu aaminsana inuu yahay duplamaasi si fudud dadka u saamayn kara marka uu la kulmo .

Bal qiimee siyaasigaas iyo ka maanta comments ka xanaaqaya ee aan ogoleen in aragtidiisa la dhaliilo.

Waa qayb ka mid ah khibrada aan ka bartay siyaasiga iyo siyaasada

 

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...