Talooyin Ku Anfacaya Marka Aad Gaadhigaaga Shidaalka Ku Shubayso

0
Monday March 28, 2022 - 08:55:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talooyin Ku Anfacaya Marka Aad Gaadhigaaga Shidaalka Ku Shubayso

    "Ku dadaal in aad hal mar buuxiso shidaalka gaadhiga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ku dadaal in aad hal mar buuxiso shidaalka gaadhiga"

1. Gaadhigaaga shidaalka ku shub subaxda hore. Waaberiga heerkulka shidaalku aad baa uu u hooseeyaa. Laga soo bilaabo galabnimadii shalay iyo habeennimadii oo heerkulku si guudba hoos u dhaco ayaa sababa in uu qaboobo shidaalku. Mar kasta oo uu heerkulka shidaalku hoos u dhacana waxaa kordha cufnaantiisa.

Sideedaba dareeruhu qabowga waa uu ururaa oo isku cufmaa, halka uu kulaylahana kala baxo oo uu khafiif noqdo.



Halka Litir ee aad duhurnimada iyo qorrax kulaylka iibsataa ma’aha litir dhammaystiran. Laakiin, litirka aad aroorta hore iyo xilli qaboobaha iibsataa waa uu ka badan yahay litir caadi ah.


2. Iska ilaali xawaaraha bamka shidaalka kugu shubaya. Bambku waxa uu leeyahay saddex heer oo uu shidaalku u soo tuuro; in uu aayar shubo, in uu dhexdhexaad yahay iyo in uu si xoog ah u soo tuuro. Haddii gacanta bambka xoog loo cadaadiyo waxaa kordha xawaarihiisa.


Mar kasta oo xawaaraha baatroolka uu bambku tuurayaa sarreeyo waxaa bata uummi baxa ku dhacaya / shidaalka hawada raacaysa, sidaas awgeed shidaal kuu tirsan ayaa hawada raacaya. Halka mar kasta oo uu yaraado xawaaruhu uu hoos u dhacayo uummi baxo.


3. Mar kasta oo shidaalka taangiga gaadhigaaga ku jiraa yaraado, waxaa halkiisa gasha hawo, sidaas awgeed in taangiga oo madhan ama xitaa kala badh ka hooseeya aad shidaal ku shubtaa waxa ay sababtaa in shidaalku si dhaqso ah u uummi bixi karo / hawada u raaci karo. Mar kasta oo shidaalka taangiga ku jiraa badanyahayna waxaa yar hawada ku jirta, taasina waxa ay yaraynaysaa shidaalka uummi baxaya.


Ku dadaal in aad hal mar buuxiso shidaalka gaadhiga, kaddibna mar kasta oo saacaddu kala badh gaadho aad shidaal ka ku kordhiso.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...