Waa Ayo Shirkada Xukuumada Muuse Biixi Sanadkasta Ay Siiso $25000

0
Monday March 28, 2022 - 08:42:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Ayo Shirkada Xukuumada Muuse Biixi Sanadkasta Ay Siiso $25000

    Demoqraadiyada Somaliland gaadhay iyo Somalia oo USA taxpayer ku bixiyeen billions

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Demoqraadiyada Somaliland gaadhay iyo Somalia oo USA taxpayer ku bixiyeen billions

USA (HWN) – Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf ayaa ka hadlay Safarkii uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay dalka Maraykanka iyo marxaladihii uu soo maray xidhiidhka Hargeysa iyo Washington.

 

Rashiid Gaaruf oo qoraal ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Safarka uu Madaxweyne Biixi ku tagay Maraykanku uu meeqaam sare gaadhsiiyey xidhiidhka Somaliland, balse ay arrintan ka shaqaysay shirkad Somaliland kiraysatay, taasi oo bil walba la siin jiray lacag gaadhaysa 25 kun dollar.

 

Qoraalka Rashiid Gaaruf uu arrimahan kaga warramay oo aad udheeraa ayaa mar uu ka hadlay sababta uu haatan isku badeshay siyaasada Maraykanka ee ku aadan Somaliland ayuu yidhi


 

Maxaa maanta keentay is bedelka ku yimi dawladii USA siyaasadeedii Somaliland. Dhowr waxyaabood baa ka masuul ah.?

 

1- Nabada Somaliland ku guulaysatay 30 sanno, iyo Somalia oo billions of dollars USA gelisay oo wali aan nabad gaadhin.

 

2- Demoqraadiyada Somaliland gaadhay iyo Somalia oo USA taxpayer ku bixiyeen billions oo aan wali fari ka qodnayn.

 

3- Heshiiska aynu la galay Taiwan, waayo maanta USA waxay tartan aad u xun kula jirtaa China. USA waxay leedahay sharci odhanaya Taiwan asxaabteedu waa USA asxaabtooda waa in Maraykan caawiyaa saaxibada Taiwan.

 

4- Dawladda Muuse Biixi Cabdi oo muddo sannad iyo badh ku dhow siinaysay lacag dhan $25000 dollar bil kasta shirkad lobby inooga Washington DC. Shirkadan oo keentay guusha aad maanta arkayso ee Waftigu keenay. Shirkadan oo albaabo aad u badan u furtay wakiilkeena iyo xafiiska Somaliland ee Washington DC.

 

5- Waxa afarta qodob ee sare ka muhiimsan, USA oo Somaliland ka dhex aragtay dantooda. Markii dawlada Djibouti ay China ka qaadatay lacag dayn ah oo billions ah, Laguna dhisay laba dekedood oo cusub iyo wado train oo cusub, ka dibna Djibouti dayn tii bixin kari wayday oo maamulkii dekedaha cusub ku wareejisay China, ayaa waxa USA u cadaatay haddii berito China ku yidhaahdo Madaxwayne Geele ka eri Djibouti ciidamada USA, in ay Djibouti ku odhan doonto USA naga baxa. Waayo maanta Djibouti ma laha awood ay daynka China iskaga bixiso. Markaa maanta USA waxay u baahatahay haddii la eryo meeshii ay qaban lahayd. Waxay USA direen wefti culus oo ka kooban lixdan qof iyo diyaarad military oo yimi magaalada Berbera, qiimayna ku sameeyay Airport ka Berbera, Dekeda, iyo magaalada guud ahaan ba, report kii qiimayntu soo saartay wuxu noqday mid odhanaya Berbera ayaynu u guri karnaa hadii Djibouti laynaga eryo laakiin waa in aynu Somaliland xidhiidh cusub la samaysano. Waxa kale oo Hargeysa yimi wafti ka kooban Shaqaalaha Golashaaya Congresska, kuwaas oo booqday Airport ka Berbera, Dekeda, lana kulmay Dhamaan stakeholders siyaasada Somaliland, waxay qiimaytoodii u gudbiyeen goloyaasha barlamaanka, taasoo taageertay qiimayntii Ciidamada. USA waxay isku qanciyeen in danta USA ku jirto inay xidhiidh saaxiibtimo oo macno leh la samaystaan Somaliland si ay dantooda u ilaashadaan” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Rashiid Gaaruf

Loading...
Loading...