Madaxwaynaha Faransiiska Oo Sheegay In Hadalada Qalafsan Laga Dhaafo Putin

0
Monday March 28, 2022 - 08:25:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Faransiiska Oo Sheegay In Hadalada Qalafsan Laga Dhaafo Putin

    "Macron ayaa xiriir joogto ah la lahaa hoggaamiyaha Ruushka Putin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Macron ayaa xiriir joogto ah la lahaa hoggaamiyaha Ruushka Putin"

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in hadalada xanafta leh aysan waxbo ka taraynin xaaladda dagaalka Ukraine, in ay uga sii daraan mooyee.

 

Wuxuu hadlayay kadib markii madaxweynaha Maraykanka Biden uu Putin ku tilmaamay qalaa, ayna tahay in xukunka laga tuuro.

 

Macron ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in ujeedka uu yahay in dagaalka la joojiyo, kadibna ciidamada Ruushka ay ka baxaan Ukraine, taasina aysan suurtogal ahayn inta ay socdaan hadala noocan ah.

 

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hadalka Biden uusan ka dhignayn in Maraykanka doonayo in la badelo hoggaanka Ruushka.

 

Macron ayaa xiriir joogto ah la lahaa hoggaamiyaha Ruushka Putin tan iyo intii uu dagaalka socday, labo maalmood kadibna ay ku balansanyihiin xiriir dhanka isgaarsiinta ah, isaga oo kala hadli doona sidii shacabka go’doonsan looga saari lahaa magaalada Mariupol.

 

BBC


Loading...
Loading...