Ex. Wasiir Seed Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

0
Sunday March 27, 2022 - 18:25:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Seed Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

    "... balse waxaa nasiib daro ah in aad Maanta garan Weydo meesha aad joogto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"... balse waxaa nasiib daro ah in aad Maanta garan Weydo meesha aad joogto"

Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay qoraal uu baahiyay xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen.



Qoraalka Xoghaye khaddar ayaa ku saabsanaa dhaliil uu usoo jeediyay shaqada wakaalada biyaha Hargaysa oo uu sheegay in ay fashilantahay wakaalada biyaha Hargaysi.

 

"Hadalka Xoghayaha Xisbiga waddani leeyahay Wakaalada Biyaha ayaan hoos gaynayaa Dowlada hoose,marka uu hadalkaa leeyahay Wuxuu Caayayaa Caqliga bulshada reer Soomaaliland, Miyaanu ogayn in bulshadu ka aqoon badan tahay oo ka Caqli badan tahay Waxaan ku leeyahay khadaroow , horta doorashada ururada  ka Soo gudub, ka dib doorashada madaxtooyada gal, haddii aad guulaysato markaas


Waxaad tiraahdaa Wakaalada biyaha  Waxaan hoos gaynayaa Dowlada Hoose, balse waxaa nasiib daro ah in aad Maanta garan Weydo meesha aad joogto" Wasiir Hore Axmed Muumin Seed

 

Wasiir Seed ayuu Muuse Biixi xilkii wasiirnimo ka qaaday,kadib markii la sheegay in uu hore uwadi kari waayay wasaarada beeraha oo uu wasiir ka ahaa.

Loading...
Loading...