Abwaan Mowliid Qoqol Oo Gabay Utiriyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

0
Wednesday May 29, 2019 - 11:22:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Mowliid Qoqol Oo Gabay Utiriyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

    Maansaba xogteediyo Xeeladay lahaataa Xeryo loogu gooyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansaba xogteediyo Xeeladay lahaataa Xeryo loogu gooyaa
Faysaba xa,adi gabay

Wuxu xalayto nagu yidhi



Nimaan xiiso dhicin iyo

Qof xafiil tamaan ahay

Xaasid aan hadhaynoo

Xiqdi dhaamiyaan ahay


Nimaan xiisa bogonoo

Xuduud loo qiyaasiyo

Xadba aanu celinoo

Xawaareeya baan ahay

Xantu nimay la durugtoo

Xishood daayay baan ahay

Nimaan xeerba qabanoo

Iska xaytay baan ahay

Xanbus iyo digaan ahay

Nin xaraashay sharafoo

Cuqdadii ku xidhanto

Nixli xaabsadaan ahay


Xigmad guur waxaan ahay

Lagu xado odhaahdoo

Xaydaabka loo dhigo

Iska xeel fogaynoo

Dabar lagu xidhaan ahay


Xaawis iyo sukaan ahay

Nin xisaabta lagu nacay

Xakakoobsan waayoo

Iska xaadiraan ahay


Daadkii xalinayiyo

Xunbo layska saydhiyo

Xanan iyo qodxaan ahay

Nin xagaafay garasho

Xulad galiyay baan ahay

Xamartaydun maqasheen

Dadna kaba xanaaqee

Xusuusteedu badan tahay

Aniga la xididoo

Xafladahaay leeyiin

Anu xaadir baan ahay

Waan la soo xadreeya


Is xabeebintayday

Dadka qaar xaqiiqiyo

Xaajo runa u haystaan

Xuraanka waxan ahay

Ilaa xaarama cune

Xirfadiisa tahayoo

Ku xabkaysan jiray abid

Ufo yaa xabaal dhigay

Taariikhda xaradhka

Ismaaciil xarfuhu qoray

Ninka lagu xantaan ahay


Xaqu dirirki dagalkana

Dagaalkii xigtaysnaa

Wixii loo xabaal galay

Loo Xinjira bururiyee

Raga xawda laga jiray

Ama xoolo oo huray

Dumar xowda laga jiray

Xoogayga kuma galin

Xamar kuwii dhex joogee

Xabad keentay lagu yidhi

Xagoodaan ku laalaa

Sedex jeer nin xiiqoo

Hadba soohday xadhigoo

Laga xiiran baan ahay

Xeel sirayste waxan ahay


Xumaantow dhex joogoo

Inu yahay xabiibkood

Ku xabeebta baan ahay

Xadhko miiqidaydiyo

Xakakoobsigaygiyo

Xaalkaygu badanaa

Xisbigaygi barigii

Jamaal uu xawaaraha

Xidigaha ku geeyiyo

Hadaan ucid xalaashaday

Isagana ku xidhay dabar

Ku xidaaray hadimada


Saw xaaji maan noqon

Maxa xeebo igagalay

Xuduntii dhulkaygiyo

Hawd baan dhex xulaya

Cirro xulafo culus iyo

Xoog iyo awood iyo

Meelay xoola yaalaan

Ama xukun la moodaha

Kulmiyaan la xero dhigan

Halkaasaan xasuuqiyo

Xiqdigaba ka soo wadi

Inaan daba xabeebtiyo

Xaasidnimo I farantahay

Inaan xagxagtaan rabaa

Xajiin mariyaan rabaa

Hadu iga xeel wacnaaday

Inaan xiniyaan rabaa

Xisbiga ka dilaan rabaa

24-05-2019


Maansadaa waxaa tiriyey Abwaan Mowliid Qoqol

Loading...
Loading...