Maamulka Dowladda Hoose Hargeysa' Waxay Wadaan Qorshe Horumarineed oo Ka Wayn Inta Indhaha Shacabku Arkayaan ?

0
Sunday March 27, 2022 - 11:43:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Dowladda Hoose Hargeysa' Waxay Wadaan Qorshe Horumarineed oo Ka Wayn Inta Indhaha Shacabku Arkayaan ?

    Sawiradani idiin Muuqda waa Buudo ay Dowladda Hoose Hargeysa gacanta ku hayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawiradani idiin Muuqda waa Buudo ay Dowladda Hoose Hargeysa gacanta ku hayso

Dhibaatooyinka Caasimadda Hargeysa haystay mudo 30 sanno ka badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ay Qaran madax banaan ahayd' ma aha kuwo Waddo Xumo Iyo Bilic Xumo oo kaliya ku kooban ' balse 30 sanno ka badan dhibaatooyin Qarsoon oo shacabka reer Hargeysa haystay oo aan cidna ka hadli jirin ayaa jira waxaana Tusaale aynu u soo qaadan karaa'  waxa ka mid ahaa in #Dooxaha C. Hargeysa kala Qaybiyaa uu Dhibaato Xoogan oo dhiig bax ah ku hayey Xaafadaha iyo Beeraha Dooxa labadiisa dhinac ku kala yaala maadaama oo 30 kaasi sanno uu Dooxu sii Balaadhanaayey oo Guryo iyo Beero badan oo 1991kii la deganaa uu marba barka ka dambaysa ku sii fidi jiray Dooxu oo isku bedelu jireen Dooxa Biyuhu marayaan isla markaana aanay marnaba maamuladii Dowladihii hoose ee hore ee kala dambeeyey la iman Qorshe dhibaatadaasi shacabka reer Hargeysa haysatay lagaga Xakameeyo Fiditaanka Dooxani marba marka ka dambaysa dhulka Beeraha ah iyo Guryaha sii barakicinaayey.



Waxa wax illaahay lagu mahadiyo oo guul shacabkaasi Dooxa wayn ee C. Hargeysa dhex mara dhibanaha u ahaaya in Maamulka Dowladda hoose ee 9 bilood ka hor la doortay inay la yimaadeen Qorshey cusub oo dhibaatadaasi mudada 30ka sanno ka badan haysatay xal u noqon doona Isla markaana Hantidii Guryaha iyo Beeraha Dooxa labadiisa dhinac ku taalay hada ka dib dhibaatadaasu ay kaga raysan doonaan maadaama sida ka muuqata Sawiradani ay Dowladda hoose ay la timid Qorshey lagu xidhaayo Fiditaanka Dooxa hareeraha u fidi jiray ee dhibaatada Baro kicinta ku hayn jiray dhulka 'Guryaha iyo Beeraha ay shacabka reer Hargeysa leeyihiin ee Dooxaha labadiisa Gabi ku yaala.


Sawiradani idiin Muuqda waa Buudo ay Dowladda Hoose Hargeysa gacanta ku hayso Dhismaheeda oo Xaafadda 100 Jire ee Degmadda Ibraahin Koodbuur taas oo Dowladda hoose uga wakiilyahay Hirgelinteeda Aqoonyahanka Xildhibaan Eng. Abdulrasaq M. Farah Wiiwaa waxaanay Buundadani ka mid tahay 6 Buundo oo dhismahoodu gebo gebo ku dhawaad yihiin kuwaas oo 9ka Bilood ee ay Maamulka Dowladda hoose ee la doortay Xaafaddaha iyo Degmooyinka Hargeysa ka hirgelinayaan isla dhamaadka Bishani.


Horumarka Caasimadda Hargeysa ee Maamulka Dowladda Hoose ee ay hormuudka u yihiin Mayor Abdikarim Ahmed Mooge ' Mayor ku Xigeen Khadar-Nur Ahmed Omer iyo Xoghayaha Fulinta Siciid Jaamac waa mid Gunta iyo Salka hoose laga soo bilaabayo oo Figta u saraysa ee Caasimadda Hargeysa ta ay u qalanto qorshuhu yahay in lagu gaadhsiiyo sida dadaaladda naf huritaanka iyo Daacadnimadu ka muuqato ee xawliga ku socda ay maamulka Dowladda hoose ku wadaan ilaa hada waana mid Kalsoonidii shacabka durba mudo 9 bilooda ay ku Kasbadeen.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...