Badhasaabkii Gobolka Awdal oo Wali Baqdin Uu Gobolka Ka Qabo Ugu Sugan Hargaysa.
Hargaysa(HWN)Badhasaabkii gobolka awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa magaaladda hargaysa ku sugan oo tahli kari waayay inuu tago mudo hadda laga joogo laba bilood gobolkii uu masuuliyadiisa hayay,waxaana uu firxad ahaan maalintii uu ka soo baxay Wali ilaa hadda ku sugan yahay magaaladda hargaysa.
Xildhibaanadii gobolka awdal ayaa sheegay in madaxwaynaha somaliland looga baahan yahay inuu gobolka u soo magacaabo badhasaab cusub madaama oo kii masuuliyadiisa loo dhiibay meel aanu masuuliyadeeda hayn ku sugan yahay.
Badhasaab Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa baqdin waxa uu ka qabaa maamulka iyo shacabkla awdal madaama oo laba sarkaal oo ka soo jeeda magaaladda boorama dab-lay hubaysani oo ay isku hayb yihiin ku dileen labadda sarkaal.
Badhasaabka ayaa halkii uu ku sugnaan lahaa gobolka uu masuuliyaddiisa hayo waxa uu miciin biday in goor habeenimo ah ka soo baxo gobolka isaga oo aaminsan in saraakiishii isaga loogu aari doono.
Masuuliyadii xilka gobolka hadda waxa gacanta ku haya badhasaab ku xigeenka gobolka waxaana masuuliyiinta gobolka oo qaarkood hadleen shegeen in badhasaabka aanay jirin cid eriday iyo waliba cid daba socota midkoodna.
Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi ayaa waxa laga dhul sugayo talaabadda uu ka qaado madaama uu badhasaabkii uu xilka u igmaday hargaysa kula sugan yahay,waxaana loo dhag taagayaa sida uu madaxwaynahu uga jawaab dalabka gobolka awdal ee sheegaya in ay tabayaan maamul la’aan.