Isma Eegto'e Ways Cajebisaa (Abdi-Shotaly)
Waraabaa laga hayaa, ma raydabta baan ahayn kuwii aan doonaaya, mise anaa is-waydaarsan, oo arin iga dhabaqsan yahay, dabeed isaga oo isku meerays-naaya, waa ka sakal cadaw u galay, oo meela aanu uga bixi karayn, cid wali-bana ay leedahay ma kii baa dabin idiin galay. oo aan naxariis iyo wax ka fura mid-na aanu filayn, tallo ku ceer-yoontay, oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uu ogaaday in aanu rajo lahayn una dhamaatay, dabeed faal ula kala baxay,rog-rogay, dhul-kana intii cidiyihii ku jeex-jeexay, jaaniggii kale-na dhafoorka saaray, baadhaayana bal in uu saacadda dib u celin karo, oo uu socdaal hor leh soo bilaabo. Sidoo kale Askartii imikay khali duurayaa, siddii baabuur uu isteerinkii ka xumaaday, oo kolba dhinac ugala baxaya wadadda, kuna hagaajin kari la'yihiin, kala soo dhacay figtii ugu sareysay Buurtii daallo ugu dheerayd ee Surad, oo ay gunta rafanayaan, tallo dhaanta tii jarka ka soo laalaadisay ma hayo. Nasiib daro-se waxa ku soo booday " Faalkii " mid aan rajo lahayn, oo la yidhaaho "is maqiiq", micni-hiisuna yahay " wax-ba kuuma laab-na, oo waad xajiimaysan-tahaye, ood iyo Mus walba jiidh, bal in aad meel ku ceshata ku beeganto maruun, ilayn muu filayn in uu ilmada wadhayo'e. Muwaadin waxan meesha ka shurbay-nayaa, ee maamul xaafadeed ahi, waxay ka mid yihiin gabadhii ka yidhi " Karis xun iyana wax ku la' " sidaas awgeed tanina, isma eegto'e ways orisaa, Somaliland-ba sidaas bay ku hoblantay, kuna bas-beeshay.
Akhristaw hadaa dhiigii kacay, tallo faraha-ka-haaday oo " Dhaqaaq-joogsiga ummaddii ka yaabtay". in gaari ahina kay ogaayeen bay weli sacabka u garaacayaan. markaa wixii ku dhacaba iyaka baa ka mansuul ah, tobankii farood oo aan gacan ku oolinina, ay labadda garabaha ka laalaadaan. Waxana ka dhigay sidaas, tallo ay xaafad keli ahi isku koobtay, mid ku raacsan oo hunguri iyo xil u dhul galay. Waa taa deldelan hadda intii u hadhayna, uu u sii dhameeyey kan mareexaan, ee xamar badhi-saabka ka ahi, markii uu askarigu faruur-yaha ku Jaray Faash, iyadda nooloo oo si quman u taagan, waa sidda ay Somaliland ka sameeyeen askarta la kala yidhaaho " Raggii Ma Adigaa Ka hadhay iyo geenyo shaaxi-maniye", oo geeri-go'an ku furay ama kaga daadiyey rarkii, inoo kaday cid walba, markii uu reero inoo kala jebiyey, ee gobol-ba uu gees u faquuqay, bay isu ciidamin kari la'dahay, oo aan halwa-naynaa cirka iyo dhulka meel u dhaxaysa, waa nasiib darro iyo waxa aan marna-ba lagu fekerin, in maanta, uu maamulka majeerteen, ee la baxay Puntland, uu inoo soo bu'o, oo dhul dhan qaato.
* N.B Askari Dheef Mooyee, Wax Dhugo Laguma karo.
Qore:- ABDI-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!