Waa La Gaadhay Xilligii Hargeysi Biyo Ku Filan Ay Heli Lahayd

0
Wednesday March 23, 2022 - 09:39:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa La Gaadhay Xilligii Hargeysi Biyo Ku Filan Ay Heli Lahayd

    W/Q Maxamuud Xeef

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Maxamuud Xeef

©Maxamuud Xeef

Xaqiijinta helitaanka iyo joogteynta biyo nadiif ah oo ka fayaw waxyaabaha keena cudurada oo lagu ilaaliyey xaalad sax ah loona maray hab maamulid quman, dabcan waa mid ka mid ah qodobadii la isku raacay shirkii Xaqiijinta Himilooyinka (Millennium Development Goals ) ka dhacay sannadkii 2000 Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, kaas oo la asteeyey in la gaadho dhamaadkii 2015kii oo aynu soo dhaafnay.



Hargeysa oo ka mid ah magaalooyinka sida xawliga ah u koraya sida ay sheegtay isla qaramada midoobay waxaa weli ka taagan biyo la’aan baahsan waxaana tirada dadka ku nool hadda lagu qiyaasaa mid kor u dhaafaysa 2 milyan oo qof, halka biyaha magaaladu ay ku filan yihiin dad aan ka badnayn 500,000 kun oo ruux, baahida jirta ayaa ah mid saddex jibaar ka badan biyaha ay caasimadu hesho maaanta.


 Wakaalada biyaha ee Hargeysa oo ah haayad dawladeed oo qaabilsan waraabinta dadka ku nool caasimada Hargeysa ayaa mishiinada biyaha caasimada keena ee ay ku tiirsan tahay ay yihiin Geed Deeble oo ay adag tahay in magaalada ay wada gaadhaan biyahaasi, waana ta keentay in kal dhaaf loo sameeyo xaafadaha magaalada halka qaarkood aanay weligoodba biyo helin.

 

Mashaariic dhawr ah oo ay soo bandhigeen oo ku saabsan biyo balaadhinta caasimada ayaa meelay ku danbeeyeen aan la ogeyn, waxaana muuqata in xikuumadihii u danbeeyey ay ku fashilmeen arintaa gaar ahaan wakaalada biyaha oo maamulida arinkaa iyadu iska leh.

 

Waxaa dadka magaaladu ku tiirsan yihiin, booyado iyo dameero qaada biyo aan la ogeyn, meelay ka keeneen, kuwaas oo mararka qaar sababa cudurada biyaha ka dhasha.

 

Si kastaba, wakaalada biyaha waxaa haboon in la hoos geeyo dawlada hoose ee caasimada, si loo dardar geliyo, biyo balaadhinta cago jiidka ah ee ay ku fashilmeen ama in loo dhiibo shirkadaha biyaha soo saara oo heshiis adag laga qorto si biyaha oo ah aas-aaska nolosha aan qiimahooda loo bedbedlin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...