Munaasibad Lagu Maamuusayay Casharka Tafsiirka Quraanka oo Markii 8-aad Oo Hargaysa lagu qabtay

0
Wednesday May 29, 2019 - 10:22:38 in News by
  • Visits: 1727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Lagu Maamuusayay Casharka Tafsiirka Quraanka oo Markii 8-aad Oo Hargaysa lagu qabtay

    Munaasibad Lagu Maamuusayay Casharka Tafsiirka Quraanka oo Markii 8-aad Oo Hargaysa lagu qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad Lagu Maamuusayay Casharka Tafsiirka Quraanka oo Markii 8-aad Oo Hargaysa lagu qabtay




Hargaysa(HWN)Munaasibad lagu sharfayey Tafsiirka Quraanka Kariimka ah oo markii Siddeedaad ka dhammaaday Idaacadda Radio Hargeysa ayaa lagu qabtay caasimadda Hargeysa.



waxaa munaasibadaasi ka qaybgalay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, Sh. Maxamed Cumar Dirir oo soo jeediya casharka tafsiirka quraanka Kariimka ah ee Idaacadda Radio Hargeysa iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku xidhan tafsiirka Quraanka Kariimka ah.



Agaasimaha Waaxda Idaacadda Radio Hargeysa Xasan Maxamed Yuusuf iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Siciid Muxumed ayaa sheegay in tafsiirka Quraanka kariimka ay bilowday idaacadda Radio Hargeysa sannadii 1991kii, waxaanay sharraxaad ka bixiyeen duruufihii adkaa ee lagu bilaabay iyo sidii Sh. Maxamed Cumar Dirir ugu dhabar-adaygay.


Waxa kaloo madaxda Idaacadda Radio Hargeysa ay sheegeen in Tafsiirka Quraanka uu idaacaddu dhammeystirtay muddo Siddeed jeer ah isla markaana uu yahay keydka ugu qiimaha badan ee Idaacaddu ku faanto, waxaanay intaas ku dareen in bulsho badani ku xidhan yihiin dhegaysiga tafsiirka quraanka Kariimka ah.


Sh. Maxamed Sh, Cumar Dirir ayaa isaguna ka hadlay fadliga ku jira barashada quraanka iyo tafsiirkiisa, waxaanu soo jeediyey in dadweynuhu ay sii xoojiyaan barashada diinta islaamka.


Waxa kaloo iyaguna halkaas ka hadlay Maamulaha Idaacadda Quraanka Kariimka ah Maxamed Axmed Cabdilaahi (Shabeel) iyo xubno ka ah marti sharaftii munaasibadaas ka qaybgashay.


Loading...
Loading...