Deni: 4 Caqabadood Iyo Fursad Dahabi Ah Ee Hortaal!

0
Tuesday March 22, 2022 - 10:19:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Deni: 4 Caqabadood Iyo Fursad Dahabi Ah Ee Hortaal!

    W/Q: Axmed-Assas M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assas M. Awaare

4 Caqabadood oo waaweyn oo MDX Deni doorashadiisa ku xeeran, fursadda qaaliga ah ee uu salaxday iyo siduu u xaqiijin karo!

 

CAQABADDO HIBASHO REEBAY

 

1) Dagaalkii Boosaaso

2) Caydhintii 8 Mudane (MP)

3) Weererkii Dhoobo-Daareed

4) Hambayn la'aantii 2022 ee PL

 

WEL-WELKA GUDOOMIHA CUSUB!

Gudoomiha soo socda ee Baarlamaanka cusub way ku adkaan doontaa inuu si kal iyo laab ah ugu ololeeyo Deni, waayo wuxuu xisaabta ku darsan doonaa inay suuroobi karto (probability) in sidii gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ku dhacday (Dhoobo-Daareed) oo kale uu isagana mutaysan karo, haday is khilaafaan.

 

WEL-WELKA XILDHIBAANADA HADALKA DHIIRAN!

Xildhibaanada baarqabada ah ee hadalka dhiirani, waxay sas iyo welwel ka qabi karaan, in haday Deni soo saaraan, oo ay hadhoow is khilaafaan, in ayba  hadhoow xilalkooda waayi karaan, casharna ay u tahay sidii xasaanada looga qaaday 8dii xildhibaan ee reer PL ee isaga mucaaradka ku ahaa!

 

WEL-WELKA REER MUQDISHO!

Xildhibaanada reer Muqdisho iyo kuwa la ologa ahi waxay ka dhiifoonaan karaan in hadii  Deni la doorto ay caasimadu wajihi karto natiijo la mid ah dagaalkii Boossaaso ka dhacday oo laga baaqsan karay. Dad baddani waxay ogsoon yihiin in bishii April 2021 ay caasimadu qarka u gaadhay in dagaal ba'ani ka dhaco, laakiin ay 2dii daraf ee isku hayay ay si uun isgu tanaasuleen.

 

WEL-WELKA MUSHARAXIINTA

Musharaxiinta badankoodu way ogyihiin in aanay lahayn awood dhaqaale ama siyaasadeed oo ay ku hanan karaan kursiga ay u tartamayaan, laakiin waxay naawilayaan inay qurus siyaasadeed kale kaga goosan karaan xukuumada dhalan doonta. Haddaba, waxaa qaarkood welwel weyn ku haya in markay eegaan siduu Deni u maamulay xulashadii 2022 ee aanu wax baddan ugu hanbayn saamileeydii siyaasada ee reer Puntland, marka laga reebo 2-3 qof oo lagaga hagoogtay mooyaane. Wer-werkooda ugu weyni wuxuu noqon doonaa in aanu iyagana waxba u hambayn doonin haduu soo baxo!

 

SIDEE DENI GUUL KU GAADHI KARAA?

 

Deni wuxuu soo xushay xildhibaano badan oo daacad u ah, waxa kale oo uu taageero xoogan ka filanayaa Jubaland. Markaa wuxuu ku xisaabtamayaa inuu wareega 1aad si xarago leh uga soo gudbi doonno, oo uu ka mid noqon doonno 3da musharax ee isku soo hadhi doonna.

 

Haddaba, iyadoo la eegayo caqabadahii aynu kor ku soo sheegnay, waxay u badan tahay inaanu ka mid noqon 2da musharax ee isugu soo hadhi doona wareega ugu dambeeya, laakiin waxuu fursad u heli doonaa inuu soo saaro Madaxweyne cusub  oon Farmaajo ahayn, kaasoo isna xaqiijin doona in Ra'iisal Wasaaraha soo socdaa noqdo nin uu Deni keensaday oo reer Puntland ah ama isaga laftiisa uu hanto jagada 2aad ee qaranka!

 

W/Q: Axmed-Assas M. Awaare

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...