Guddoomiye Cirro Tacsi Diray Marxuum Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali

0
Wednesday May 29, 2019 - 10:15:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro Tacsi Diray Marxuum Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

ayaa wuxuu dhammaal tacsi ah u dirayaa, Culimo Awdiinta Dalka , Macalimiinta Madaarista, waayeelka, wax-garadka ,eheladii Qaraabadii,qoyskii iyo shacabka Somaliland  isagoo ka Tacsiyadanaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha- u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali oo 27 /5/2019 -ka  ku geeriyooday Magaalada Hargeysa



Guddoomiye Cirro ayaa Marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh weyn oo dad badan baray cilmiga diiniga ah, isla markaana soo saaray culimo badan oo cilimiga diiniga ah ku takhasustay, kuwaas oo bulshada ugu faa’ideeya cilmigaasi uu Sheekh Baray


Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuum Sheekh  Cabdillaahi Cabdi Caliinuu dembigiisa u dhaafo, qabrigana u nuuriyo, Janatul Firdowsana ugu deeqo.Qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan shacabka Somaliland-ba, Rabi haka siiyo samir iyo iimaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...