Shirkadda Facebook Oo Joojisay 51 Xisaab Shakhsiyadeed, 36 Bog Iyo Toddobo Group

0
Wednesday May 29, 2019 - 08:51:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Facebook Oo Joojisay 51 Xisaab Shakhsiyadeed, 36 Bog Iyo Toddobo Group

    Shirkadda Facebook ayaa joojisay 51 xisaab shaksiyadeed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Facebook ayaa joojisay 51 xisaab shaksiyadeed,

36 bog iyo toddobo group, ka dib markii shirkadda dhinaca amniga internetka ah oo lagu magacaabo FireEye ay ogaatay in dhammaan barahan la xiray laga leeyahay dalka Iran.



3 xisaabood oo shabakadda xiriirka bulshada ee instagaramka ayaa iyagana la joojiyey.


Shirkadda FireEye ayaa Talaadadii shalay sheegtay in xisaabahan been-beenta ah laga dhigay in Maraykanka ay ka dhisan yihiin, waxayna isu muujiyeen goob sharci ah oo faafisa wararka Bariga Dhexe, taas oo taageersan dalka Iran.


Faallooyinka oo ku qornaa afafka Ingiriiska iyo Carabiga ayaa lagaga hadlay doodo ku saabsan siyaasadaha Maraykanka iyo Britain, dadka laga tirada badan yahay ee Carabta, iyo raadka dalka Sacuudi Careebiya uu ku leeyahay gobolkaas. Faallooyinka ayaa cambaarsanaa aragtiyada muxaafadka iyo kuwa liberalka.


Shirkadda Faceboogga ayaa dhinaceeda sheegtay in, sidoo kale, ay baareyso, isla markaana ay macluumadka la wadaagayso hay’adda amniga.


VOA

Loading...
Loading...