Ma Run mise Been ?

0
Monday March 21, 2022 - 11:17:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma Run mise Been ?

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Mudadii uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilka hayay arrimaha ugu waaweeyn ee aan xusi karno waxaa ka mid ah;

Sanqadhii Qoriga wuu aamusiiyay oo maanta ma jirto deegaan Somaliland ku yaal oo reero isku hor fadhiyaan, xataa colaadii Ceel-Afweyn ee cilinkeeda la saari waayay wuu xalliyay.



Dabayshii casayd ee jibbada ku dhisnayd ee ay hor yaacayeen Abiy Ahmed, Farmaajo iyo Isaias Afwerki ee sida fooxa inagu dul wareegaysana wuu u quturtay oo way dhaqaajin kari waayeen, ilaa iyagii ay dabayshii dib u qaaday oo midba meel ay belaayo kaga furantay.


Ciidamadii Somaliland oo si balaadhan uu u dhisay, Tiro ahaan, Tayo ahaan, Qalab ahaan iyo Quwad ahaanba kuwaasoo awwood buuxda u leh difaaca xuduudaha Dhuleed,  Badeed iyo Cireed ee Jamhuuriyada Somaliland.


Arrimaha debada oo wax badan uu ka qabtay oo gaadhay in Ceelkii Maraykan uu maantaba ka qaxwaynayaan Madaxweyne Muuse iyo wafdi uu hogaaminayaa, taasi oo weli aanay hore Somaliland u gaadhin inay golayaasha sare ee Maraykan qadiyadeeda gaadhsiiso.


Qabashada Doorashadii isku sidkanayd ee Baarlamanka iyo Dawladaha Hoose ee dalka ka dhacday.

Waxaa imika laga sugaaba waa Diiwaan gelintii ururrada oo la bilaabo, iyo Doorashadii Madaxtooyada oo ay galaan Saddexda Xisbi Qaran ee imika Liisanka Xisbinimo haystaa sida uu sharcigu jideeyay.


Hadii uu doorashada Madaxtooyada ku guulaystana uu sii dhamays tiro tartanka Xisbiyada, haddii laga guulaysana uu si fiican xukunka u wareejiyo kalana shaqeeyo Madaxweynaha cusub sidii Tartanka Xisbiyada loo dhamays tiri lahaa.


Waar miyaanay sidaas ahayn ?

Kaysar Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...