Kenya oo Ay Soo Wajahday Dhaqaale La'aan, Raadinaysana Dayn.

0
Wednesday May 29, 2019 - 08:38:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Ay Soo Wajahday Dhaqaale La'aan, Raadinaysana Dayn.

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay lacago malaayin ah ay kasoo amaahaneyso bangiga adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay lacago malaayin ah ay kasoo amaahaneyso bangiga adduunka. Lacagta amaahda ah ayaa gaareysaa 750 milyan oo doolar si dowladda Kenya ay lacagtani ugu adeegsato misaaniyad sannadeedkan.


Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo.



Shacabka Kenyaanka ayaa si weyn uga hadlay sida warbaahinta Kenya ay u hadal heyso arrintani.


Wargeyska Financial Times ayaa horraantii bishan ku warramay in deymaha lagu leeyahay Kenya ay sare u kaceen maadama uu deyn badan kasoo amaahday dalka Shiinaha.


Waxaana kamid ahaa 4.8 bilyan ee doolar ee lagu dhisay tareenka casriga ah.

 

BBC

Loading...
Loading...