Guulaha Somaliland Xaqiijinta Himilada Inkirada Ilhan Iyo Ifafaalaha Muuqda Ee Biixi

0
Sunday March 20, 2022 - 12:11:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guulaha Somaliland Xaqiijinta Himilada Inkirada Ilhan Iyo Ifafaalaha Muuqda Ee Biixi

    W/Q: Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamse Riiraash

Sida aan ognahay madaxweynaha ugu sarreeya dalka jamhuuriyadda somaliland waxa uu safar dheer ugu bixi timay dalkaas iyo cariga  maraykanka.

 

Kuwaas oo Uu kulamo  kula qaatay qaar kamida madaxda dalka maraykanka.kaasi oo uu ka jeediyay qudbad cajiiba oo taabanaysay dhinacyo badan madaxweynaha oo adeegsanaya kuna hadlaya luuqada afka engriiska .

 

Ayaa kadib kajawaabayay su’aalo  uu wayddiinayay nin cadaan maraykan ah madaxweynaha oo si fiican ula  garnaqsanayay marna haddalo kaftana kuyara tuurtuuranayay ayaa noqotay ka hor waraysigiisii khudbadii ugu taariikhaysanayd abid taas oo leh bogaadinteeda.

 

Maraykanka ayaa dano waaweyn kaleh jamhuuriyadda somaliland tan oo lagama maarmaan u noqotay inuu xidhiidh la samayn karo jamhuuriyadda somaliland.tana waxay gogol xaadh u noqonaysaa soo dhawaadka aqoonsiga   somaliland.

 

Tan oo  abo fur u ahayd xidhiidhkii kadhex dhacay  jamhuuriyadda Taiwan  iyo somaliland taa  soo jiidatay indhaha caalamka .

 

Kadib tagitaanka madaxweyne biixi iyo kulamadii guusha ahaa ee congarayska waxa haddal jeesjeesa ku hataaqday mid ka mid ahayd mudanada magaceedu yahay ilhan omar taas oo inkirtay haddaladii biixi iyadoo kasoo qaadaysay si gama ahna u odhanaysay in haddalka madaxweynuhu yahay haddal   aan la fahmi karin!!!!!!!!!arrinteedan mrs ilhan  oo noqotay haddal aan wax ka jirin balse kasoo baxay qof masuul la moodayay oo haddana iska hadashay.tan waxay filan waa ku noqotay qof kastoo caqli leh,ilhaan hadaladeedaas oo dhaliyay in ay umaddu kajawaabaan oo ay u jawaabaan ilhaan.taas oo lawada ogaaday in haddaladeedu ka fog yihiin runta kana ahayduun jeesjees iyo qiiq isku qarin.

 

Safaradan taariikhiga  ayaa si toos ah u caawin kara qadiyada somaliland,maadama ay Somaliland ku taal buqcad istaraatijiya oo u muhiima marakiibta kagala gooshta bada cas iyo baabul mandabka.berberina  noqota ilaha muhiimka ee lasoo dayi karo.

 

Somaliland waxaad moodaa inay indho badan soo eegayaan kuwaa oo danaynaynaya.la isku raac inuu muuse guulaystay. Mar walba oo somaliland wax xaqiijiso  waxa cirka isku shareera   Kuwa kasoo horjeeda madaxbanaanideeda,madaxweyne biixi wuxuu noqday madaxweynihii ugu guulaha badnaa ee abid kaa oo  jooga Somaliland

 

Siyaasiga caanka ah ee abdishakuur ayaa faalo u qoray aad moodaa inuu iftiimiyay danaha kadhaxayn kara jamhuuriyadda somaliland iyo dalka maraykanka halkaa oo ka muuqato ifaafalo guud oo anfac u ah jamhuuryada Somaliland……guul Somaliland …..,

Hamse Riiraash



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...