Musharraxnimada Deni Ayaa Timid Iyada Oo Siyaasiyiintii Hawiye Saxada Ka Maqan Yihiin.

0
Sunday March 20, 2022 - 12:06:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Musharraxnimada Deni Ayaa Timid Iyada Oo Siyaasiyiintii Hawiye Saxada Ka Maqan Yihiin.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ciyaarta feedhka in aad guuldaraysatay laguma dhawaaqo markaad dhulka ku dhacdo; waxa lagu dhawaaqaa markaad diido in aad dhulka ka soo kacdo. Siciid C/laahi Deni ayaa qaaday waddadii uu hore u jideeyey Kornayl C/laahi Yuusuf ee uu ku gaadhay kursiga madaxweynimo ee Soomaaliyaa 2004-tii. Kornayl C/laahi Yuusuf wuxuu ka soo ruqaansaday isaga oo ah madaxweynaha Puntland, markii uu arkay fursada taal Soomaaliya oo ka dhexqaadi karo siyaasiyiinta Hawiye ee is-barbar yaacayey.



 Waa uun sidii uu madaxweyne Cigaal uga dhexqaaday siyaasiyiintii SNM shirkii Boorama 1993-kii oo kale. Siciid Deni wuxuu isku dubariday xildhibaannadii golaha shacabka ee uu ka soo saartay Puntland iyo kuwa Jubbaland oo uu saameyn weyn ku leeyahay.


Hadal jeedintiisii uu ku qaabiley xildhibaannadii golaha shacabka uga soo baxay Puntland wuxuu si jeesjees leh ugu sheegay inuu arko fursad uga bannaan inuu Muqisho ka taliyo. Wuxuu isku geystay xisaab u gaar ah, taasi oo ah inuu ugu yaraan wareega hore toos uga gudbi karo, isaga oo isku halaynaya lacagtiisa ka soo gashay ganacsigiisa u gaar ah ee uu lahaa ka hor intii aanu siyaasadda soo gelin iyo wixii kale ee uu gacanta ku dhigo.


Halka musharraxiinta Hawiye ee toban tirada u dhaafay aanay faraha waxba ugu jirin, yacnihii wax xildhibaanno ahi. Siyaasadda ahaan beelaha Mareexaan iyo Majeerteen xagga siyaasadda waa col daahood go’ay. C/laahi Yuusuf ayaa buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo ku sheegay inuu Maxamed Siyaad ku yidhi " Maxamuud Saleebaan (inta badan Majeerteenka), iyaga mooyiyi cid kale inay Soomaaliya madax ka noqoto aanay ogolayn iimaanka laga qaad”. Sidaasi oo kale ayuu Siciid Deni isu arkaa inuu yahay nin keliya ee Farmaajo ka saari kara aqalka Fiila Soomaaliya.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...