Isu Ekaa Jaahwareerkii Fircoon Iyo Ka Muuse Bixi

0
Sunday March 20, 2022 - 11:56:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Isu Ekaa Jaahwareerkii Fircoon Iyo Ka Muuse Bixi

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Fircoon wuxu kamid ahaa taliyayaashii dunida soo maray kuwoodii ugu kibirka, isloweynida iyo qabka badnaa.

 

Wuxu xukumi jirey dhulka Masar, wuxu ka dhashay qabiilada qibdiyiinta Masar.

fircoon kibirkiisii waxa badhi-taaray oo meel sare oo inu illaahnimo sheegto gaadhsiiyey reer tolkiis.

 

Mid kamid ah ragii ku caawiyey arintaas waxa safka hore kaga jira Saaxiibkii Haamaan.

 

Haamaan wuxu kamid ahaa golihii sare ee xukuumadii Fircoon. Markii fircoon ilaahnimada sheegtay Haamaan ayaa ahaa kii ku waaniyey waxkasta oo u suurtogalinayey inu fircoon ku adkaysto Sheegashadiisa.

 

Maalin maalmaha kamid ah ayaa fircoon sheegtay inu wax dilo waxna nooleeyo, sheegashadaasi si ay u hirgasho ayaa Haamaan soo qabtay laba nin, fircoon ayaa dabadeed midna diley midna iska sii daayey markaas ayuu yidhi "waxna waa dilaa waxna waan nooleeyaa".

 

Qayb badan oo dadkii reer Masar ah ayaa sidaa Aaminay oo illaah ba mooday, qaar kalena cabsi ay ka qaadeen ayuu afku juuqda gabbay.

 

Hadaba waa ged lagu yaqaane ninkasta oo kibra, wuxu iska indho tiraa kuwii u hirgaliyey Foolxumadan uu dadka ku hayo.

Hadaba fircoon ayaa isla weynaaday oo maalin isagoo golihiisii dhex fadhiya Soo hadal oo ku faanay inu maalintaa wax abuuray, wax diley, waxna nooleeyey, intaa kuma ekaane wuxu hadalka ku daray inu xataa Haamaan madaxiisa wax ka abuuray. Markaas ayaa Saaxiibkii Haamaan u adkaysan waayey Sheegashada  iyo beenta aan xadka lahayn ee Fircoon af labadii ku tiraabay markaas ayuu ku yidhi;( وحتى انا يا فرعون )

oo macneheedu yahay "oo fircoonow ma xataa aniga".

 

 

Hada imika Odaygu wuxu samaystay kuwo wax u dila, kuwo wax u cabudhiya, kuwo kale oo dadka qafaasha oo nolosha dadka argagax geliya.

Wuxu samaystay kuwo reer tolkiis ah oo kuwii lamid ah qibdiyiintii fircoon u adeegi jirtey.

 

Wuxu dalka ka sheegtay dadkii la lahaa ee halganka ugu geesisana, wuxu reer tolkiis u xidhay wixii magac dawladnimo lahaa ee beri iyo galbeed loo baahnaa inu bulshada uu hoggaanka u yahay u dhiteeyo si simanna uu Qaybiyo.

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...