Haweeney Reer Wajeer Ah Oo Noqotay Qofkii Ugu Horeeyay Ee Caanaha Geela U Dhoofiya Yurub.

0
Wednesday May 29, 2019 - 08:27:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Reer Wajeer Ah Oo Noqotay Qofkii Ugu Horeeyay Ee Caanaha Geela U Dhoofiya Yurub.

    Haweeney reer Wajeer ah ayaa noqday qofkii ugu horreyay ee caanaha geela u dhoofiya Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney reer Wajeer ah ayaa noqday qofkii ugu horreyay ee caanaha geela u dhoofiya Yurub. Shirkadda Wajir milk Traders ayaa ku guulaysatay in caanaha ay u dhoofiyaan gobolka Scotland, taasi oo ah wax ku cusub gobolka Waqooyi bari Kenya oo inta badan caanahooda lagu iibiyo gudaha dalka.



Faaduma Cusmaan Axmed waa mulkiilaha shirkada caanaha u dhoofisa Scotland, waxayna ka warbixisay sida ay arrintan ugu suuragashay.


" Waxaa na soo booqday hay'ado kala duwan, waxay naga aruuriyeen warbixinno iyo xog kuwaas oo ku shaaciyey website-yada, halkaas ayaana macaamiisha ka helnay." Ayey tiri Faadumo


Siday ugu dhoofisaa Scotland?


" Halkan aan joogna ayaa lagu habeeya marka hore kaddib anaga oo raacayna sharciga ka jira dalka ayaa waxa qaata macaamiisha".


Glasgow cafe ee gobolka Scotland ee Britain ayaa haatan lagu iibiyaa qaxwo lagu caddeeyay caanaha geela, iyadoo boqolkiiba 10 dhaqaalahaasi la siinayo Faadumo iyo dumarka kale ee la shaqeeya.


Mashruucan waxaa iska kaashanaya maqaayadaha shaha iyo qaxwada ee Galsgow iyo hay'adda Mercy Corps.

Soomaalida ku nool geeska Afrika aya si weyn u isticmaala caanaha geela, iyadaao takhaatiirtu iyo saynisyahannada ay sheegeen inay leeyihiin faa'idooyin caafimaad oo weyn.


Caanaha geela waxay daaweeyaan cudurro badan sida xanuunada kansarka, sonkorta iyo dhiig karka, sidoo kale caanaha geela ma halaabayaan haddii ay muddo yaalan, waxaana laga helaa faa'idooyin badan oo aanan laga helin xoolaha kale, fa'iidooyinka gaarka ah ee aan aniga ka helay iibinta ama suuq gaynta caanaha ayaa ah inaan hadda hormar ku tilaabsannay oo aanan joogin meeshii aan ka bilaawnay, horaan baannaanka ayaan ku iibin jirnay balse hadda waxaan ku howlgalnaa xarun iyada oo ay hay'ad noo balanqaaday inay noo dhisto xarun weyn," ayay tiri Faadumo Cismaan oo u warramaysay laanta af Soomaaliga ee BBC.

 

"Waxa la rabaa in wax soo saarkaada aad u samaysid ama aad ka fikirtid sidii aad suuqyada kale ee caalamka aad u gayn lahad, dhibaatooyin badan ayaa ka hor yimaada maadama aysan badanaa dadkan haysan taageero dhanka dowladda ah taasi oo niyad jab ku ah, balse haddii la raaco sharciyada waxaan aaminsanahay in wax soosaarka la gayn karo suuqayada kale ee Caalamka," ayay raacisay hadalkeeda Faadumo.

 

Degaanka Wajeer waxaa ku nool ku dhawaad 600,000 oo neef ooo geel ah, sida ku cad tirakoobkii Kenya laga sameeyay sanadkii 2009-ka, suuq-geeynta caanaha geelana waxaa uu war wanaagsan dadka dhaqda geela iyo kuwa ka ganacsada caanahiisa.

 

BBC.

 

Loading...
Loading...