Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay sababta ay Ku Diiddeen Midowga Soomaaaliya

0
Saturday March 19, 2022 - 15:21:12 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay sababta ay Ku Diiddeen Midowga Soomaaaliya

    Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay sababta ay Ku Diiddeen Midowga Soomaaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay sababta ay Ku Diiddeen Midowga Soomaaaliya


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo weli ku guda jira safarkii shaqo ee uu ku joogay dalka Maraykanka ayaa waraysi gaar ah siiyey idaacadda National Public Radio ee dalka Maraykanka.


Waraysigan ay idaacaddani la yeelatay madaxweynaha ayaa ugu horeyn lagu weydiyey ujeedada safarka uu madaxweynuhu ku joogo dalka Maraykanka, waxaanu madaxweynuhu sheegay in ujeedada safarkiisu daaran tahay sidii ay shacabka iyo dawladda Maraykanka uga dhaadhicin lahaayeen, isla markaana ugu soo bandhigi lahaayeen horumarka ay Somaliland gaadhey iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay ,isaga oo cadeeyey in ay Somaliland xaq u leedahay sharciyan iyo siyaasiyanba in la aqoonsado.



Sidoo kale mar la weydiiyey madaxweynaha su’aal ahayd sababta ay Somaliland ula midoobi weyday Soomaaliya waxa uu madaxweynaha Somaliland kaga jawaabay in ay soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Soomaaliya ahayd dal burbursan, masuuliyiinta Soomaaliyana ay ku fashilmeen in ay dib u heshiisiin ka dhex sameeyaan dalkooda iyo in ay dalkooda ka ilaalin kari waayeen ururadda Argagixisada ah, waxaanu intaas ku daray in aanay aqbalin xasuuqii iyo burburkii ay u geysteen dalka iyo dadka Somaliland, taas oo ah mid aanay ilaawi doonin shacabku, sababtaasina ay tahay ta ay ula midoobi waayeen Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sidoo kale la waydiiyey in dalka Somaliland lee yahay Passport ayaa kaga jawaabay in dalka Somaliland lee yahay Pass Port u gaar ah,kaas oo ah ka uu isaga laftiisu dalka Maraykanka ku tegay safarkiisan.

Mar madaxweynaha wax laga weydiiyey heshiiska ay Somaliland la gashay dalka Taiwan,waxa uu sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay iskaga mid yihiin Dimuqraadiyadda, horumarka iyo deganaanshaha, iyada oo labada dalba aanay haysan aqoonsi buuxa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in dalka Taiwan ay caawiyaan dalalka Maraykanka iyo Midawga Yurub, taas oo aanay weli Somaliland helin, waxaanu intaas raaciyey in ay Somaliland Taiwan ka qaadan doonto waayo aragnimada ah sida ay dalkooda u horumariyeen.

Dhinaca kale mar Su’aal laga weydiiyey madaxweynaha Aqoonsigu faa’iidada uu Somaliland u leeyahay, waxa uu sheegay madaxweynuhu in aqoonsigu kaga xidhan yahay la xidhiidhka dunnida iyo xidhiidh ay la yeelato Somaliland hay’addaha caalamiga ah, sida Hay’adda IMF ee lacagta adduunka oo aanay iminka Somaliland la xidhiidhi karin.

Loading...
Loading...