Dowladda Soomaaliya oo shirar looga hadlaayo deyn cafinta uga qeyb galeysa Maraykanka

0
Saturday March 19, 2022 - 14:47:48 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo shirar looga hadlaayo deyn cafinta uga qeyb galeysa Maraykanka

    Shirarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa halka horurmarada laga sameeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa halka horurmarada laga sameeyay



Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Washington D.C ee Caasimadda dalka Mareykanka halkaasi oo shirar heer sare ah uu kula yeelanayo madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunkan iyo xubno sarsare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Maaliyadda dowladda Mareykanka.



Shirarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa halka horurmarada laga sameeyay barnaamijka dib – u – habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha dhamaystirka Deyn cafinta Soomaaliya oo ay Hey’addaha dhaqaalaha calaamka ay muhiim u yihiin.


 

"Magaalada Washington, waxa aan shirar muhiim ah kula qaadanayaa masuuliyiinta Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka sida Bangiga Adduunka iyo IMF oo maalmaha soo socda aan ka wada hadli doonno dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.


Waxaa naga go’an in aan horumarino hanaanka gaba-gabada deyn_Cafinta Soomaaliya oo aan u soo marnay waddo dheer iyo Dadaal fara badan.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.


Wafdiga Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa ku wehliya Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Washington Amb. Cali Shariif Axmed.


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonayso in ay dardar-geliso barnaamijka Deyn Cafinta iyo taageerada farsamo ee dhanka soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.


Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa toddobaadkii hore qiimayn ay ku samaysay dhinacyada dib u habeynta dhaqaalaha iyo barnaamijka la socodka shaqaalaha dowladda Federaalka ku sheegtay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay nidaamka iyo dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Loading...
Loading...