Qudbadii Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi

0
Saturday March 19, 2022 - 10:11:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qudbadii Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi

    W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

    

14.March 2022 



 

14 March 2022,Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi,wuxuu  qudbad dheer ka jeediyey,xarunta Hayada Heritage Foundation ee xarunteedu tahay Washington USA. 

 

Qudbadaa waxaa fasiraado kala duwan ka bixiyey,Saxaafada faraha badan ee kala duwan,mid Dowli ah iyo  mid nadaxbanaanba,waxaa kaloo siyaabo kala duwan uga hadlay Aqoon yahaniin iyo Siyaasiyiin kala kala duwan. 

 

Haddaba bal aniguna waxaa halkan si kooban idiinku soo gudbinayaa sida aan u arko qudbadii Madaxweynaha Sonaliland Md.Muuse Biixi Cabdi. 

 

1.   Cida qudbada diyaarinaysaa waa muhiim  in tahay  cid garanaysa ,aqoon fiican u leh,dhinacyada kala duwan ee cida loo qudbadaynayo. 

 

2.    Marka aad  masuul tahay ee aad qudbad jeedinayso,waxa aad iyo aad u muhiim in ay kuu cadahay,in aad fahansan tahay cida aad la hadlaysaa kuwa ay yihiin,aqoon yahay—siyaasiyiin-Diblomaasiyiin Dowlado-ururo iwm. 

 

3.   Waa in ay ku cadahay " fariinta aad rabto in aad u gudbiso”  iyo cida aad la hadlayso ee fariintaadu ku socoto. 

 

4.   Cida aad la hadlayso ee fariintaadu ku socoto ,wax xidhiidh ah oo hore ma idinka dhexeyeen mise waa isku cusub tihiin iwm 

 

Qudbadii MAdaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi:- 

 

Guud ahaan qudbadii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ,waxay ahayd qudbad dheer ,aad u fiican,dhinacyo badan oo kala duwanna ka hadlaysay,laakii waxaynu nahay bini aadam,oo waxkasta sax kama dhigi karno,oo wax waynu ilaawi karnaa, qaladna waa jiri karaa. 

 

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa dhaliilaha aan isleeyahay way ku jireen qudbada Madaxweyna Md, Muuse Biixi Cabdi,waxaana ka mid ahaa kuwan hoos ku qoran:- 

 

1.   Qudbada Madaxweyne  Md. Muuse Biixi Cabdi ,waxay ka hadlaysay waqti tagay, waqti la soo dhaafay,taariikh hore oo uu ka soo bilaabay 26 Juun 1960 kuna dhamaatay 2021. 

 

2.   Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,qudbadiisa,salaam iyo mahadnaq Hayada Heritage Foundation,mooyaane meelna kuma soo hadal qaadin xidhiidh Maraykanka iyo Somaliland,wax Mashaariic ama waxtar ah oo Maraykanku Somaliland u gaystay,booqashooyinkii ilaa 3 Madaxweyne oo ka horeeyey ku yimaadeen Maraykanka, qudbadu waxay ahay mid loo jeedinayo dal aynu hadda is baranayno oo aynu isku cusub nahay.,dhinaca kale waxaan moodaa in Madaxweynaha aanu ogeyn in Maraykanku (USA),uu Soomaaliya joogay ,ka dagaalamay,degan yahay ilaa maantana uu joogno. 

 

3.   Qudbada Maaxweynu  waxay ay u muuqatay in dalka Maraykanku aanu wax aqoon ah inoo lahay,halka aynu kaga naalo Geeska Africa iyo sida ay muhiim u tahay,Dekeda Berbera iwm 

 

4.   Qudbada Madaxweynuhu  kama hadal,mana soo hadal qaadin,xaalada dhabta ah ee ka maanta ka jirta Somaliland. Sida ABAARAHA  iwm  

 

5.   Qudbada Madaxweynuhu kama hadal mustaqbalka waxa u qorshaysan Xukuumada uu isagu hogaamiyo. 

 

6.   Qudbada Madaxweynaha,marna ma soo hadal qaadin sida Somaliland uga qatan tahay mucaawinooyinka Maraykanku siiyo Soomaalida. 

 

Soomaaliya iyo Somaliland 

 

Qadiyada  dhex taalada Somaliland iyo Soomaaliya ,Maraykanku si fiican ayuu u ogyahay,wuxuuna aaminsan yahay in Soomaaliya mid tahay.Maraykanku maalin qudha kama bixin Soomaaliya ,wuu degan yahay Muqdisho iyo hareereheedaba. 

 

Qudbada Madaxweynaha waxaa ka muuqatay ku digasho,dhibta haysata Soomaaliya,waxaase ka fiicnayd in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo bandhigo Dowlada Maraykankan in ay gacan ka geysato wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya sidii ay u midho dhali lahaayeen,guulna looga gaadhi lahaa. 

 

Ugu dambayntii Madaxweynaha Somaliland wuxuu yidhi….WAXBA LA NOOMA YIIDHIN KARO….. laakiin ha ilaawin MARAYKANKU  DUNIDA WAXBUU U YEEDHIYAA  

 

 

 

…. "la qoraalka dambe ee Berber, miyuu Maraykanku  xiisaynayaa ?  

 

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)  

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...