Madaxweynaha Suuriya Oo Ka Degay Isutagga Imaaraadka Carabta

0
Saturday March 19, 2022 - 09:23:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Suuriya Oo Ka Degay Isutagga Imaaraadka Carabta

    "Imaaraadka ayaa ballan qaaday inuu Suuriya ka caawin doono arrimaha siyaasadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Imaaraadka ayaa ballan qaaday inuu Suuriya ka caawin doono arrimaha siyaasadda"

Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Asad ayaa booqasho ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta, safarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal Carbeed uu ku gaaro tan iyo 2011 oo uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkiisa.



Booqashada ayaa muujinaysa sida ay isugu soo dhawaadeen Abu Dhabi iyo Dimishiq, iyadoo sanado ka hor ay Imaaraadka taageeri jireen xooggaga doonaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Asad.


Waxa uu la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan oo sheegay in Suuriya ay muhiim u tahay amniga Carabta, dalkiisana uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya xukuumadda Dimishiq, sida ay sheegtay wakalaadda wararka ee dowladda Imaaraadka, WAM.


Intii uu socday dagaalka Suuriya, Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa safarro dibedda ah ku aadday dalalka Iran iyo Ruushka, kuwaas oo kaalmadooda milateri ay waxbadan u tartay ninkan mar qarka u saarnaa in laga qabsado caasimadda.


Wakaaladda WAM ayaa sheegtay in labada dhinac ay isla meel dhigeeen "ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya iyo in ciidamada shisheeye ay ka baxaan waddankaas."


"Imaaraadka ayaa ballan qaaday inuu Suuriya ka caawin doono arrimaha siyaasadda iyo bani'aadannimada, si dalkaas uu xal ugu helo mashaakilka noocyada badan ee haysta," ayay sheegtay wakaaladda WAM.


Dalalka Iran, Ruushka, Maraykanka iyo Turkiga ayay ciidamo kaga sugan yihiin gudaha Suuriya, waxaana dhammaantood ay halkaa ka fulinayaan dano kala duwan.


Maraykanka ayaa diiddan in xiriir caadi ah lala yeesho Asad ilaa iyo inta xal siyaasadeed laga gaarayo colaadda waddankaas, oo ay ku naf waayeen boqolaal kun oo qof.


Maamulka Biden ayaa bishii November 2021 walaac ka muujiyay booqasho uu wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadka ku tegay Dimishiq, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Bashar al-Asad.


Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa saaxiib dhaw la ah xukuumadda Tehran oo ay inta badan dalalka Khaliijka u arkaan cadowgooda.


Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dalka Yemen ka wada dagaal ay kula jiraan xooggaga Xuutiyiin oo gacan ka hela Iran. Xuutiyiinta ayaa khatar amni ku ah labadaas waddan, waxaana ay dhowr jeer la beegsadeen weerarro khasaaro dhaliyay.


Khubarada Bariga Dhexe ayaa sheegaya in dalalka Khaliijka ay hadda soo dhaweysanayaan Asad, si ay u wiiqaan awoodda ay Tehran iyo Ankara ku leeyihiin gobolka.

 

BBC

Loading...
Loading...