Muuse Biixi Oo Loo Soojeediyay Marka Uu maraykanka Ka Soo Noqdo Inuu Qabto Doorashada Madaxtooyada

0
Friday March 18, 2022 - 17:01:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Loo Soojeediyay Marka Uu maraykanka Ka Soo Noqdo Inuu Qabto Doorashada Madaxtooyada

    "Madaxweyne, markaad ka soo noqoto Maraykanka, doorashada Madaxtooyadu ha noqoto ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne, markaad ka soo noqoto Maraykanka, doorashada Madaxtooyadu ha noqoto ..."

Hargeysa (HWN) – Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-jilic) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay safarkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Maraykanka.

 

Xildhibaan Timo-jilic wuxuu amaanay dedaalka uu Madaxweynuhu muujiyey muddada uu halkaa joogo, waxaanu sheegay inuu Wacdarro ka dhigay Dalka Maraykanka, waxaase uu ugu baaqay in marka uu dalka ku soo laabto uu Tallaabada koowaad ee uu qaadaa noqoto inuu xilligeeda ku qabto Doorashada Madaxtooyada oo ku muddayn 13-ka bisha November ee sannadkan 2022.

 

Xildhibaanka oo Shalay Hargeysa ugu warramay Telefiishanka Sahan, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi "Madaxweyne, markaad ka soo noqoto Maraykanka, doorashada Madaxtooyadu ha noqoto ta koowaad ee aad boodhka ka tuntu, doorashada Ururraduna ha ku xigto.”

 

Xildhibaan Timo-jilic wuxuu Madaxda Xisbiga WADDANI ku amaanay inay taageereen socdaalka Madaxweynaha ee Maraykanka "Waxaan aad iyo aad ugu Mahad-naqayaa Xisbigii aan ka soo baxay (WADDANI), Guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxweynaha mustaqbalka oo si qiimo leh u garab istaagay jiritaanka Qarannimada Somaliland, hoostana ka xariiqay muwaadiniinta taageersan Xisbigu aynaan marnaba aynaan Taageeri karin Cid ka soo horjeedda Qarannimada Somaliland…” ayuu yidhi.


Loading...
Loading...