Madaxweynaha KGS oo kulan deg deg ah isugu yeeray Xildhibaanadii lagu doortay Koonfur Galbeed

0
Friday March 18, 2022 - 10:56:53 in News by
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha KGS oo kulan deg deg ah isugu yeeray Xildhibaanadii lagu doortay Koonfur Galbeed

    Xogta ayaa sheegaya in lafta gareen uu Xildhibaanada ka dalbaday in 20 bishan ay tagaan magaalada Baydhabo si uu halkaasi ugu furmo shir wadatash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogta ayaa sheegaya in lafta gareen uu Xildhibaanada ka dalbaday in 20 bishan ay tagaan magaalada Baydhabo si uu halkaasi ugu furmo shir wadatash

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada laga soo doortay degaanada Maamulkiisa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Xogta ayaa sheegaya in lafta gareen uu Xildhibaanada ka dalbaday in 20 bishan ay tagaan magaalada Baydhabo si uu halkaasi ugu furmo shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha doorashada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Laftagareen uu xildhibaanada iyo Senatarada uu kala hadli doono arrimo ku saabsan doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in xildhibaanada iyo Senatarada ka soo jeeda Koofur Galbeed ay tagaan magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Loolanka doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka bilaaban doontaa magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo halka ay aadi lahaayeen codadka xubnaha laga soo doorto K/Galbeed, iyadoo Laftagareen uu ka mid yahay xubnaha sida weyn ugu dhow Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia.


Loading...
Loading...