Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay Dib u dhaca Doorashada

0
Thursday March 17, 2022 - 09:13:04 in News by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay Dib u dhaca Doorashada

    Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmay xilli Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmay xilli Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay dhowr jeer dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyay, hayeeshee galmudug ay ku guukeysatay in waqtigii loo asteeyay ku dhameystirto doorashada.


Axmed Qoor Qoor oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay doonayaan in dalka markale uusan dib u laaban, isla markaana hadda ay dooran yihiin Xildhibaano ku filan in doorashooyinka inta dhiman ay guda galaan.



 

Ugu dambeyn Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu sheegay in doorashada dhameystirkeeda ay ku xiran yihiin waxyaabo badan, sida la dagaalanka Al-Shabaab, la-dagaalanka Al-Shabaab & in dalka uu horay u socdo, isaga oo sheegay in dib u dhaca doorashada dad ay ka faa’iideeysanayaan.


Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmay xilli Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka shahaada siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada, balse ay kasoo horjeesteen Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

 
 
 
Loading...
Loading...