Halka Arrin Ee Uu Putin Ku Qanci Karo Si Uu Dagaalka Ukraine U Joojiyo

0
Thursday March 17, 2022 - 09:07:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halka Arrin Ee Uu Putin Ku Qanci Karo Si Uu Dagaalka Ukraine U Joojiyo

    "Balse ma jirto cid oggol in ay heshiis nabadeed saxiixdo haddii uu horseedayo jabkooda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Balse ma jirto cid oggol in ay heshiis nabadeed saxiixdo haddii uu horseedayo jabkooda"

Xitaa dagaalka ugu xun wuu dhammaadaa. Mararka qaar, sida 1945-kii, natiijada kaliya waa in la galo dagaal labada dhinac mid ku baaba'o. Balse inta badan, dagaallada waxay ku idlaadaan qaab aysan cid walba ku qancin, inkastoo ugu yaraan dhiiggii daadanayay uu joogsanayo.



Mararka qaarna, xitaa haddii ay sida ugu xun ku dhammaadaan dagaallada, labada dhinac waxay si tartiib tartiib ah dib ugu billaabaan xiriirkoodii hore ee ay cadaawadda ku yareyd.


Haddii aan nasiib leenahay, waxaan mar dhow arki doonnaa in arrintan ay ka dhex billaabato Ruushka iyo Ukraine.


Cuqdadda, gaar ahaan dhanka Ukraine, waxay sii jiri doontaa muddo tobannaan sano ah. Balse labada dhinac waxay doonayaan una baahan yihiin nabad: Ukraine, sababta ay u rabto waa in magaalooyinkeeda ay ku socdaan duqeymo xooggan, Ruushkana sababta uu u rabo waa in sida uu sheegay Madaxweynaha Ukraine, ay haddaba uga dhinteen ciidamo ka badan kuwii uga dhintay labadii dagaal ee argagaxa lahaa ee uu ku galay Chechnya - inkastoo aysan macquul ahayn in la xaqiijiyo arrintaas.


Balse ma jirto cid oggol in ay heshiis nabadeed saxiixdo haddii uu horseedayo jabkooda.

Madaxweynaha Ruushka waxa uu raadinayo waa inuu wajiga hagaajisto. Madaxweynaha Ukraine, Volodymiyr Zelensky, isagana waxa uu horayba u caddeeyay inuu leeyahay xirfado heer sare ah oo dhanka diblomaasiyadda ah waxa uuna damacsan yahay in uu sameeyo wax kasta oo macquul ah si uu Ciidamada Ruushka uga dul qaado waddankiisa.


Ujeeddada kaliya ee uu Zelensky leeyahay waa in uu xaqiijiyo in Ukraine ay dagaalkan ka gudubto iyadoo mideysan, oo aan ahayn gobol ka tirsan Ruushka, taasoo ah midda uu markii hore Putin u muuqday inuu ka dhigi karo.


Madaxweyne Putin-na waxa kaliya ee hadda uu daneynayo waa inuu ku dhawaaqo guul. Dan kama laha haddii dhammaan dadka ku jira maamulkiisa ay u arkaan in Ruushka ay faraha uga gubteen dagaalkan. Dan kama laha haddii ay 20% ama wax la mid oo ah shacabka Ruushka ee fahansan waxa ka socda adduunka ay ogaanayaan in Putin uu sameeyay khamaar kuu ku raadinayay waxa uu isaga shakhsi ahaan u rabo, kaddibna ku guul darreystay.


Dadaalkiisa wuxuu xoogga ku saari doonaa inuu helo taageerada qaybta kale ee shacabka intiisa badan ah, kuwaasoo la dhacsan waxa looga sheegayo wararka telefishinnada dowladda - inkastoo mararka qaar ay shaashadaha telefishinnadaas laftooda kasoo boodaan waxyaabo kashifaya xaqiiqda dhabta ah, sida geesinnimadii aan caadiga ahayn ee ay sameysay tifaftiraha hal telefishin oo lagu magacaabo Marina Ovsyannikova, taasoo xilli uu warka socdo soo dhex gashay dadkana u sheegtay in waxa la sheegayo ay been abuur yihiin.

 

Marka waxaa Madaxweyne Putin u suuragalin kara in uu dagaalkan kasoo baxo isagoo waji fiican la hor tagi kara aqlabiyadda shacabka Ruushka?

 

Ugu horreyn, waa inuu helo damaanad qaad, oo laga yaabo inuu yahay in Ukraine ay dastiirkeeda ku qorto in aysan dooneynin ku biiritaanka Nato mustaqbalka soo socda.

 

Madaxweyne Zelensky horayba tallaabo noocaas ah waddada wuu u xaadhay, isagoo Nato ka codsaday wax aysan ka aqbali karin (oo ah in ay hawada Ukraine ka dhigaan meel duullimaadyada ka caaggan), kaddibna wuxuu ku dhaliilay isbahaysiga in ay dhabarjabin ku sameeyaan waddankiisa, markii dambena waxa uu si cad u sheegay in uusan hubin haddiiba ay Nato sidan u dhaqmeyso in ay u qalanto ku biiritaan.

 

BBC

Loading...
Loading...