Mayor Mooge & Ex- Mayor Soltelco!!!

0
Thursday March 17, 2022 - 08:57:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mayor Mooge & Ex- Mayor Soltelco!!!

    Haddaba waxa isweyn mudan Mayor Mooge oo muddo kooban joogay halkuu ka keenay waxanoo qabad ah?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba waxa isweyn mudan Mayor Mooge oo muddo kooban joogay halkuu ka keenay waxanoo qabad ah?

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ah Magaalo si xawliya u koraysa waxa aad iyo aad looga cawdaa waxqabad la'aan baahsan oo ah adeegyada kala duwan ee ay sharciyan waajibaadka loogu leeyahay Dawladda hoose. Haddaba haddaynu dib u yar milicsano Mayor-kii hore ee Soltelco oo muddo 8 sanno ah Duq ka ahaa Hargeysa isna barbardhigno Duqa hadda ee Mr. Mooge. Waxa layaab leh in muddadaa dheer ee uu joogay wax la sheegi karo oo diiwaanka Sooyaalka u galay oo uu qabtay Mr. Ex- Mayor Soltelco ayna haba yaraatee jirin, inta badan wuxuu ahaa mid ku foogan illaalinta Kursigiisa iyo wixii dhaqdhaqaaqyo Mooshin ah ee isaga markaa ka dhanka ahaa. Muddadaa dheer lama sheegin marna wax cashuur ah oo ku baaqatay Xaafadaha iyo Degmooyinka Magaaladda. Soltelco ma ahayn adeege Bulsho oo shaqadiisa si fiican u yaqaana, mana ahayn Nin hammi Siyaasadeed oo fog ka lahaa Xilkaa Mayornimo ee uu mudada dheer hayay. Haddii laga tagi waayo wuxuu ahaa Gacanyaraha koobaad ee Xukuumadihii Kulmiye ee kala dambeeyay oo shaqadiisii iyo Muscadii uu dhisan lahaaba cadaadinta iyo irdhaynta Axsaabta Mucaaradka ah ayaa kala weynayd.

 

Haddaba Sideedaa sano ee kadeedka iyo dhibta uu ku ahaa Soltelco Hargeysa oo runtii aakhirkii dhashay in Dadweynaha Reer Hargeysi ay si midaysan uga falceliyaan Doorashadii 31-may ee 2021 ee kal hore. Waayo Codadka 26,000 kun ee uu Mooge helay waxay ku timid fadhiidnimadii iyo waxqabad la'aantii Soltelco.

 

Haddaba waxa isweyn mudan Mayor Mooge oo muddo kooban joogay halkuu ka keenay waxanoo qabad ah?. Waxanoo waddooyin ah ee ka socda Hargeysa ma amaah iyo deyn buu ku dhisayaa? Biriijyadan kala duwan ee iyana socdaa ma maalgalin shiyeeyaa?. Soltelco waqtigiisii Lacagtan umadda wax loogu dhisayo halkey qaban jirtay?. Waxa aynu ognahay in wax maalgalin ah oo Caalamiya oo Mooge helay ayna jirin. Waxase jirta Mayor Mooge waa ka #Waddanisanyahay Ex-Mayor Soltelco oo waxa u muuqata Magaaladiisan Lacag la'aani ayna haysan ee Qorsho xumo, Maamul xumo iyo Musuq hore u ragaadiyay.

 

Guntii iyo gebogabadii Maayor Mooge waynu u ducaynaynaa, waxaynu leenahay Shaqadaas baaxadda leh eed Qarankaaga iyo Caasimadaadaba u haysid Alle SWT ha kaa abaalmariyo, kown ma taagnid ee hore u soco.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...