Wasiirka Saajin Oo Shirkad Gaar Loo Leeyahay Ku Wareejiyey Hubinta Tayada Badeecadaha

0
Wednesday March 16, 2022 - 19:32:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Saajin Oo Shirkad Gaar Loo Leeyahay Ku Wareejiyey Hubinta Tayada Badeecadaha

    "Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan daahfuraysay shaybaadhada qaranka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan daahfuraysay shaybaadhada qaranka"

Hargaysa (HWN) Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa wareegto laga soo saaray shalay xafiiskiisa isagoo dalka dibadiisa ku maqan u xilsaaray shaqadii hubinta tayada badeecadaha iyo bixinta shahaadada badqabka Badeecadaha dalka soo galaaya shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo contecna.



Shaqada hubinta iyo ilaalinta tayada badeecadaha ayay uga xilsaaran tahay Qaranka Hay'adda Dhawrista tayada Somaliland.


Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan daahfuraysay shaybaadhada qaranka ee Cuntada iyo Daawooyinka oo ay hirgalisay Hay'adda dhawrista Tayada Somaliland balse tan ayaa ka dhigan talaabo ka soo horjeeda shaybaadhka qaranku leeyahay in loogu adeego bulshada oo la faray ganacsatada inay u adeegayso tayadana ka hubinayso shirkadan hoos ku xusan.

Loading...
Loading...