" Cashuurtii Doorashadda " .
Maanta waxay ku beegan tahey sanad guuradii 1aad ee maalintii aan bixiyay cashuurtii doorashadda oo dhamayd 41 malyuun oo somaliland shilling ah una dhigmaysay 5 kun oo doolar .
Lacagta intaa la eeg mabda cashuureed oo loo jideeyey garan maayo , Aduunyadda oo dhana meel cashuur intaa la eeg qof doorasho doonaya lagga qaadaa ma jirto , hasa ahaatee wuxuuney ahayd carqalad doorashadda uu usii dhigey golihii horre ee wakiiladdu xukuumadda iyo asxaabtuna raali ka ahaayeen .
Runtii waa arrin dimuqraadiyadda iyo ujeedooyinka doorashadda kasoo horjeedda oo ah niyad xumo in doorashadda loo arko il dakhli oo dhaqaale kasoo baxo oo musharixiintu saf u galaan cashuur bixinta .
Anigoo maanta ilaahy fursad ii siiyey wax ka qabashadda dhibtaas waxaa ii qorshaysan in aan wax ka qabto si aynu u suulino dhaqankaas foosha xun .
Ugu danbayn waxaan u mahadnaqayaa saaxiibkey Axmed xasan aw maxamed oo lacagta intaa la eeg i amaahiyey si aan cashuurtaas kadeedka ah ugu bixiyo iyo qoyska reer Qadar oo lacagtaas shamaanteed iga soo bixiyay 2 cisho gudahood taageero dhaqaale oo badana ii gaystey .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





