Dawlada Somaliya Oo Kahadashay Warka Sucuudigu Ka Soo Saaray Dhoofka Xoolaha Somalida

0
Wednesday March 16, 2022 - 13:27:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliya Oo Kahadashay Warka Sucuudigu Ka Soo Saaray Dhoofka Xoolaha Somalida

    "Wasiirka Xanaanada Xooluhu wxuuu sheegay in dhammaan Soomaalida ka ganacsada Xooluhu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiirka Xanaanada Xooluhu wxuuu sheegay in dhammaan Soomaalida ka ganacsada Xooluhu"

Hargeysa (HWN) – Dawladda Sucuudi Carabiya, ayaa Xayiraaddii ka qaadday Dhoofka Xoolaha Soomaalida.

 

Xoolaha Soomaalida oo muddo 5 sanadood ah ka xayirnaa dalka Sucuudiga, ayaa Toddobaadkan waxa Xayiraaddii ka qaadday Dawladda boqortooyada Sucuudiga, sida uu sheegay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dawladda Soomaaliya oo heshiis arrintaa la xidhiidha la saxeexday Dhiggiisa Dawladda Sucuudiga.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Maxamed-Soomaali) oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi "Waxa Ilaahay nagu guuleeyay dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo shantii sanadood ee u dambeeyay Xayirnaa.”

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dib u furista dhoofka Xoolaha Soomaalidu ay ku timid dedaal dheer oo ay ku bixiyeen Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Ganacsatada Xoolaha ee Soomaalidu.

 

Wasiirka Xanaanada Xooluhu wxuuu sheegay in dhammaan Soomaalida ka ganacsada Xooluhu ay dalka Sucuudiga u dhoofin karaan Xoolo 21 Maalmood ka dib, maaddaama oo ay shuruudaha Sucuudiga ka mid tahay in Xoolaha dalkooda loo dhoofinayo muddo 21 Maalmood ah lagu hayo Maxjar, si loo hubiyo Caafimaadka Xoolaha.

 

Wasiirka oo la waydiiyey sababihii markii hore keenay in Sucuudigu joojiyo dhoofka Xoolaha Soomaalida, ayaa sheegay inay ahayd Warar aan sax ahayn oo laga fidiyey Caafimaadka Xoolaha Soomaalida, maaddaama oo uu jiro tartan u dhexeeya Dadka kale ee Adduunka ee Sucuudiga u soo dhoofiya xoolaha.


Loading...
Loading...