Jaamac-shabeel Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka Iyo Khudbaddii Uu Jeediyey

0
Wednesday March 16, 2022 - 13:22:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jaamac-shabeel Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka Iyo Khudbaddii Uu Jeediyey

    "ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu abaaraha inaga dulqaado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu abaaraha inaga dulqaado"

Hargeysa (HWN) – Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajaahan socdaalka Madaxweynaha ee Mareykanka, qaabku uga hadlay qadiyadda madax banaanida Somaliland iyo qaabku ugu jawaabay su’aalihii kala duwanaa ee la weydiiyey.

 

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Safarka Madaxweynuhu ku tagay Waddanka Maraykanka, waxaan u arkaa inuu yahay safar guul inoo ah, oo wax badan ka taraya qadiyadeena, Madaxweynuhu qaabka wacan ee uu soo bandhigay qadiyadeena iyo nidaamka wacan ee uu uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey waan uga mahadnaqayaa, runtiina sharaxaad fiican buu ka muujiyey kana bixiyey madax-banaanideena iyo qadiyadeena, waana ku hambalyeynayaa..”.

 

Mar uu baaq u dirayey Ganacstada kala duwan ee dalka wuxuu yidhi "Bishii Shabcaan ee khayrka badnayd baynu ku jirnaa, waxaana inagu soo fool leh, waa bishii ugu khayrka badnayd bilaha ee Ramadaan, abaarana dalkeena wey ka jiraan, ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu abaaraha inaga dulqaado, ee waxaan Ganactada leeyahay dadkiina u naxariista, oo maceeshada qaaliga ah u jabiya”

 

Jaamac-shabeel, ayaa ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.


Loading...
Loading...