Ficiladda Kelitalisnimadda Doorasho Diidka Iyo Digniinta 13 November Ee Doorasho Doonka Mucaaridka

0
Wednesday March 16, 2022 - 12:37:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ficiladda Kelitalisnimadda Doorasho Diidka Iyo Digniinta 13 November Ee Doorasho Doonka Mucaaridka

    "Somaliland dhibaato uma baahna, hanjabaad uma baahna"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland dhibaato uma baahna, hanjabaad uma baahna"

Hargeysa (HWN) Khilaafka riiqda dheeraaday ee u dhexeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ayaa u muuqda inuu cirka isku sii shareerayo. Islamarkaana uu galay hadda wejigiisii ugu dambeeyey,waxaana muuqata in Madaxweyne Biixi iyo abbaanadiisu ay gebi ahaan-ba iska laabeen sharcigii,kuwaas oo doonnaya inay doorashada ururrada soo qadimaan,halka ay isaga qorshaysteen inay doorashada Madaxtooyadda dib u dhigaan,haddii ay u suurtagasho.

 

 

Khilaafkan u dhaxeeya Xukuumadda Biixi iyo Xisbiyadda Mucaaradka ayaa ah mid la xidhiidha qabsoomida doorashada Madaxtooyadda,taas oo qorshaysan inay 13-bisha November 2022-ka ay dalka ka qabsoonto,balse Madaxweynaha iyo abbaanadiisa uu ka mid yahay ina Kaahin ayaa ka meeraysanaya qabsoomida doorashadaas,waxaanay taas beddelkeeda ay fagaarayaasha ka sheegaan in doorashada ururrada ay soo horaynayso,kuwaas oo aan wax sharci ah soo daliishanayn marka ay ku tiraabayaan sidan,wallow la og-yahay inay sharciyan ay doorashada Madaxtooyaddu ay ka soo horayso,halka ay Xisbiyiyadda Mucaaradku leeyihiin sharciga ha la raaco oo doorashada Madaxtooyadda ee soo horaysa 13 November 2022-ka ha la qabto.

 

 

Haddaba waxa muuqata in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay iska indho-tirayso sharciyadda iyo xeerarka oo si cad u qaxayaha in doorashada Madaxtooyadda Somaliland ay tahay mida miiska saaran hadda,Islamarkaana qorshaysan inay qabsoonto13 November 2022-ka ,taas oo xeerkeedii iyo arrimaheedii dhammaystiran yihiin,isla markaana ay ka qayb-gelayaan Xisbiyaddan hadda liisankoodii uu sax yahay ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, halka doorashada ururrada ay ka dambayso,taas oo uu xeerkeeddii qabyo yahay loona baahan yahay in la diyaariyo qaabkii loo waajihi lahaa iyo in la sameeyo xeerkii laggu galli lahaa doorashadda tooska ah ee ururrada siyaasadda.

 

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cirro oo ka hadlay rafashada Xukuumadda Biixi iyo diidmada ay diidan tahay in doorashada Madaxtooyadda ay wakhtigeedii ku qabsoonto ayaa yidhi "Shacbiga Somaliland waxa aan u sheegayaa in doorashadii Madaxtooyada JSL ku mudeysantahay 13-ka November 2022. Cid ku muransani ma jirto, cid ku murmi kartaana ma jirto, waxaana gelaya Axsaabta Qaranka ee hadda jirta ee leh jiritaan qaanuuni oo sharci ah oo keliya. Doorashada Madaxtooyada waa doorashada keliya ee ay diyaar u yihiin Xeerkii lagu maamulayey, dhaqaalihii ku baxayey, iyo dhammaan farsamadii Doorashadaa lagu qaban lahaa "ayuu sheegay Cirro

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal ayaa madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay in ay ku heshiiyeen in Biixi laba sanno loo kordhiyo, kadinba Kaahin la saaro madaxnimada "Labadan kornayl maxay iska iibiyeen?, waxay iska iibiyeen, hadaan Muuse ahay mar labaad ordi maaye, laba sanno oo kordhis ah ayaan rabaa kadibna adaan ku sharaxaya".

 

 

Waxa uu intaa ku darray Guddoomiye Faysal "Muuse Biixi Waxaan leeyahay, Markaad kasoo noqoto Maraykan ayaa hadal inoo yaalla, ama dalka waynu wada yeelan, ama dhiigeennu kala qarsan"ayuu yidhi Faysal Cali Xuseen

 

 

Geesta kalene Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna ka hadlay arrintan ayaa waxa kamid ahaa haddaladiisii kuwan:-" Anaga Ciidamada Qaranka na loogu hanjabi maayo ee yaan ciidamada la siyaasadayn, Madaxweynaha lahaa maanan siyaasadayn! ma siyaasadayn baa ka weyn inta uu isa soo taago (Madaxweynuhu) in uu ciidamadii siyaasad kaga hadlo; in uu xisbiyo kala hadlo oo doorashooyin kaga hadlo oo sidii oo aanay anaga ciidamo noo ahayn nagu hor maago oo nagu hor caayo oo noogu hor hanjabo oo wuxuu doono kaga hadlo xaq uma lahaa ciidamada na loogu hanjabi maayo waxaanu ciidanka leenahay arrimaha noocaas ah dhegaha ka furaysta..”ayuu yidhi Xirsi Cali X Xasan

 

 

Waxa uu intaas ku sii darray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI " Sharciga haddii la diido, 13 November wixii ka danbeeya xukuumad sharci ahi ma jirto,Waxa dhib doonaya madaxwaynaha 5-ta sanno fadhiyey ee maanta oo ay ka dhamaanayso laga kari laayahay mawqifkaaga doorasho cadeeyoo kaalay nala-tartan , ee ku wareegaalaysanaya ururo aan wakhtigoodii la gaadhin , Waxa dhibaato doonaya madaxwaynaha kuwo shalay uu dhib u geystay maantana u dhaaranaya.” Ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu u durbaano tumaynayo colaado sokeeye ,isla markaana uu dad uu shalay dhib u geystay uu doonnayo inuu mar kale haddana dhibaato u geysto "Waxaa dhibaato doonaya madaxweynaha kuwo uu shalay dhib u gaystay maantana u dhaaranaya. waxaanu leenahay dadka reer Somaliland dhibaato uma baahna, hanjabaad uma baahna, uma baahna in ciidamada loogu hanjabo, ciidamadu dadkan bay ka dhasheen, dadkan bay ilaalinayaan…" Guddoomiye Xirsi

 

 

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Xaaji. Yuusuf Waabeeyo oo isna ka hadlaya qorshaha Xukuumadda Biixi ee doorashada Madaxtooyadda ayaa sheegay in aanay marnaba yeellayn in doorashada Madaxtooyadda dib loo dhiggo,isla markaana ay Xukuumaddu soo qadinto doorashada ururrada " Madaxweynuhu Maraykan buu tagaya oo dawladihii dimuqraadiga ahaa ayuu la kulmaya waxaanu leenahay Madaxweyne mawqifkaaga caddee oo sheeg xilliga doorashada Madaxtooyada iyo ta ururrada iyo sida ay u kala horreeyaan ee xeerku caddeeyay, sheeg gabgab looma baahnee in 13 November soo horayso, dadku labac-labac kaama aqbalayaan ee mawqif cad baa lagaa rabaa..”

 

 

Si kastaba ha –ahaatee Madaxweyne Biixi iyo abbaanadiisa ayaa doonnaya inay doorashada ururrada soo horaysiiyaan, isla markaana ay dib u dhigaan doorashada Madaxtooyadda,taas oo ay diidan yihiin mucaaradku,waxaynu eegnaa halka ay saldhigato xaajaddu maal-maha iyo bilaha soo socda iyo inay u suuragasho Madaxweyne Biixi iyo kooxdiisa qorshaha ay waddaan iyo in kale .


Loading...
Loading...