Isbar-bardhig Lagu Sameeyay Ex. Maayar Soltelco Iyo Maayar Mooge

0
Wednesday March 16, 2022 - 12:20:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbar-bardhig Lagu Sameeyay Ex. Maayar Soltelco Iyo Maayar Mooge

    "Ayaan darada jirta waxay tahay ninka kaalintan hore u joogay ee maanta daawanaya hawlihii u qaban kari waayay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ayaan darada jirta waxay tahay ninka kaalintan hore u joogay ee maanta daawanaya hawlihii u qaban kari waayay"

Hargaysa (HWN) Xoghayihii hore ee Fulinta Dowladda Hoose Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale' ayaa qoraal uu qoray waxa uu ku tilmaamay Nasiib daro inay u tahay Mayorkii hore ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Cabdiraxmaan (Soltelko) oo hada Xildhibaan Golaha Deegaanka ka tirsani in uu daawanaayo wixii uu intii Mayorka Hargeysa ahaa qaban kari waayey oo mudo Kooban Mayor Cabdikariin A. Mooge iyo Maamulka cusub ee dowladda hoose at ku qabteen Hargeysa-na durba horumar ay ku talaabsatay.



Ex Xoghaye Cali Xasan Cawaale oo Qoraal uu ugu duurxulaayo balse aanu magaciisa ku xusin Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Cayddiid (Soltelko) ' waxa uu qoraalkiisu u dhugnaa sidan.


Xoghayihii Hargeysa Fulinta Dowladda Hoose Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale.

Ayaan darada jirta waxay tahay ninka kaalintan hore u joogay ee maanta daawanaya hawlihii u qaban kari waayay oo si fudud loo fulinaaayo, mise tolow roob lacag ah ayaa dabadii  ka da’ay dawlada hoose oo qoladan cusub la kawsaday.


Su’asha hala weydiiyo maamulkii hore ee D. hoose (Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa) wixii ka horjoogay waxqsbadkan?


Hargeisi waxay ka dhigantahay maanta.  indhoolihii ilkahana la’aa. ee gabadhiisu hilibka u calaalin jirtay. markay duxda kala baxdana jilaafta qalalan siin jirtay.


kadib gabadhii ay ka dhimatay asagoo barooranaya oo leh cid hilibkii ku calaalisa heli maysid Mid kale loo guuriyay. taasi oo hilibka u tunta balse aan u calaalin . kadibna hilibkii oo dhecaankiisi iyo duxdiisiba wata oo tuman siisa.


halkaas ayanu ku garawsaday odaygii in islaanti hore  ee u barooranayay ay khaa’imad ahayd . kana raystay.

markaa Hargeisa ayaa maanta sidaa ka dhigan hilibka looma calaaliyo ee wa loo tuma.

Allah ha ina waafajiyo xaqa.

 

Xoghayihii Hargeysa Fulinta Dowladda Hoose Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale

Loading...
Loading...