Maxaa Soo Dedejin Kara Isku Shaandhayn Madaxweyne Muuse Biixi Ku Sameeyo Xukuumadiisa?

0
Thursday March 07, 2019 - 16:39:31 in News by
  • Visits: 3844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Soo Dedejin Kara Isku Shaandhayn Madaxweyne Muuse Biixi Ku Sameeyo Xukuumadiisa?

    Maxaa Soo Dedejin Kara Isku Shaandhayn Madaxweyne Muuse Biixi Ku Sameeyo Xukuumadiisa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Soo Dedejin Kara Isku Shaandhayn Madaxweyne Muuse Biixi Ku Sameeyo Xukuumadiisa?

 

Hargeysa(HWN):-hadal haynta isku shaandhayn la sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku samaynayo xukuumadiisa ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshada iyo goobaha ay dadku ku kulmaan ee magaalada Hargeysa.


Wararka soo baxaya ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu xukuumadiisa ku samaynayo isku shaandhayn sal balaadhan oo saamaysa hay’addaha kala duwan ee dawlada, iyada oo wararku intaas raacinayaan golaha wasiirada lagu soo darayo xubno cusub oo aan hore uga mid ahayn.

Inkasta oo aan la xaqiijin Karin isku shaandhaynta xukuumada ee bulshadu hadal hayso in madaxweyne Muuse Biixi samaynayo ayaa hadana waxa jira warar soo baxay oo xoojinaya in isku shaandhayntaasi ay soo bixi karto.

Warar ay Hadhwanaagnews heshay ayaa xaqiijiyey in hanti dhawraha guud ee qaranku uu madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyey natiijada baadhis uu ku waday qaar ka mid ah hay’addaha dawlada,iyada oo la diyaariyey talaabo laga qaadayo masuuuliyiin kala duwan oo lagu eedaynayo falal musuq maasuq.

Hanti dhawrka ayaa qorshaynaya inuu xabsiga u taxaabo masuuliyiin gaadhay sideed kuwaas oo haatan xil haya balse la filayo in madaxweynuhu uu xilka ka qaado ka dibna jeelka la dhigo, iyada oo madaxweyne Muuse Biixi uu hanti dhawrka ku garab istaagay talaabooyinka baadhista ah iyo natiijada uu soo saaray.

Warbixinta hanti dhawraha guud ee qaranka ayaa ah mid soo dedejin karta isku shaandhayn madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyo xukuumadiisa iyada oo meesha laga saari doono masuuliyiinta lagu helay falalka musuq maasuq.

Sidoo kale cadaadis madaxweyne Muuse Biixi ka soo wajahay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa ka mid ah waxyaabaha dhalin kara isku shaandhayn lagu sameeyo xukuumada, iyada oo xubno badan oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbigaasi ay saluug ka muujiyeen sida ay xisbinimadu uga muuqato xukuumada uu soo dhisay madaxweyne Muuse Biixi.


Loading...
Loading...