Qof Illaahay Qaawiyey Beeni Dhar Maw Xidhaa? ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday March 15, 2022 - 10:20:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Illaahay Qaawiyey Beeni Dhar Maw Xidhaa? ( Abdi-Shotaly).

    N.B Intaan doonidda wadaayo, Waxaan Doonana Helaayo, daruuraha aan Dul Seexdo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Intaan doonidda wadaayo, Waxaan Doonana Helaayo, daruuraha aan Dul Seexdo.

  Horaa loo yidhi " Onkodaw dhac , oo xeeshaa dhac'e" Xaajadda loo tegay Maraykan waa Ganacsi qudha oo aan wax kale lahayn iyo xaqu-qalin loo doontay, haddii aanay sidaasi jirin, oo aan xaalku ganacsi ahayn, maxaa loo gaxaystay, Dahaba-shiil, Ina Aw siciid iyo Madaxddii Sometel, Telesom iyo qaar kaloo badan. ma kuwaas baa Ictiraaf keenaaya, oo Maraykan u tegay? bal waxan isugu sheekaynayno eega, mise Ganacsi baa loo tafa xaytay? ka Jawaab su'aashaa af-janjeedha lahayde, ka u doodaayaw Askarigan khawalka ah ee aan lagu soo dhawaan, tani af-keedda bay kala haysan waydaye, runta ha isu sheegto, hana isugu timaado, la isu dhuuman iyo ila-meerayso, oo wax waliba banaanka bay yaalaan, Ma is qarin karaa " Qof Illaahay Qaawiyey Oo Beeni Dhar Maw Xidhaa?" Waa maya, Askartii  " Xaafad-Tooyadu" Iyaka oo mudug ah hadda " Alaahu-maala Beeg" bay rabaan in ay ceeryaan inoo dhex qaadaan, waa su'aal kale'e taasi, wax ka soconaya ma tahay?   wuxu ku heesay  Asakrigu " Intaan doonidda wadaayo, waxaan doonana helaayo, daruuraha aan dul seexdo. maxaa iga doonaysaan-ba, danays-taye yeelka-diina?"

 

Ciiro isku qarin iyo kolba shaadh kaloo la xidhaa, salaan aan niyad ahayn, beeni iyo af-gobaadsi, cuqdad iyo colaad beello gaar ah oo milil-keeddii caloosha jiifto, waali iyo cariigsi, gobaladda bari iyo Awdal oo cadaw laga dhigtay, kolba derbi isku qaad, meel loo baryo tegay iyo ganacsi qoys, oo aan xaqiiq-dda laga sheegin, abaaraha dalka ka taagan iyo biyo la'aanta dad iyo xoola-ba dhamaadeen, ummadda bakhtigu u xalaal yahay, maciishadda cirka isku shareetay, shidaalka faraha ka baxay, isku dirka beelaha, Gobol-ba-Gobol la nacsiiyey, cashuurta muwaadi-niinta oo in gaar ah jeeb-koodda ku dhacdda, oo iyadda oo ay xundhurta ka xoanayaan inta askariga ku xeerani iyo qoys-kiisu misna la dafiro, ku wiirsiga badheedhka ah ee dan-yarta, hadana uu leeyahay " Ma Jirto Abaari" Intaas oo dhan oo is daba joogta, baa hadana goboladdii Askariga 100 riig laga qoday, oo iyadda oo la og-yahay, uu jaahilka caaqilka ka ah Guriggii Moorgan uu is leeyahay wax baa kuu qarsoon, waase maskaxdii " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo Inta xaaraanta ummadda laga dhacay uu cad-quudheedka uga sii tuuro. wuxu u sheegaa Qoys-kiisa  ( Somalia) baa Mucaraidku inagu waddda, hadana uu hoosta isagu kala shaqaysto, af-kana uu kaga badhaaciyaa wax-ba kama jiraan waxa la iga sheegaayo, Arima-haas sare ku qoran iyo malaayiin kale oo aan la soo koobi karin, isaga oo hawlo ganacsi u doontay oo la og-yahay, Ma lagu qarin karaa Ictiraaf baan ka keenayaa Maraykanka. Halkay-se Gaadhsiin Askariga Xaafad-Tooyadda ka shimbiro-waaqleeyaa, Kadaabka munaafaqa ahi, ee aan diin iyo illaah mid-na aan lahayn ee waalani.

 

 Iyadda oo aan ka wadda war qabno, xaalka ummadu waxa uu ku sugan yahay, baa hanti-dooddii lagu dal-xiis tegay, bal qiyaasa inta ku baxaysa safarkaas Gancasi ee loo baxay, ma ka go'daa ummadda silcaysa in cashuur-toodda lagu daawasho tago iyo kibir ku baabi'in. Saw maaha markaas micnaha meesha ku jiraa murtiddii ahayd " Ma Dan Baan Ka Leeyahay Riyah Danabku Laynaayo" Maxaa ka galay askariga wixii dhimanaaya, ilayn Qoys-kiisa iyo Gobol-kiisu way dherga-yaane, cid kale-na naf umma hayaan, inta uu hor kacaayo " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani" maalin-ba wax baa lagu maaweeliyaa, oo lagu wareeriyaa Ummadanmasaakiinta ahe, maantana dad iyo xoolo xabaasha qarqarka u saaran, intooddii badnayd-na uba dhimatay, biyo dhaamis, caws la'aan, oo dooxa Hargeysa macaluusha iyo gaajo darteed lala jiifo, baa $8.000.000 oo doolar lagu soo tumasho tegay, markaas baa weliba qaar u dooda-yaan, Eygan ka mansuulka ah ee waxaas ku kacay iyo maamulka uu walaaqanaayo.

 

 Waxan ku soo xidhay qoraalkan, qaar meela-haas ( Qaybta fekredaha Hadha-wanaag) wax ku soo malma-luuqa, oo difaaca waxaas ka dhacaaya dalka, cabudhinta war-baahinta, dadka la iska xidh-xidhaayo, sidda wiil yar oo majaajilo sameeyey, gabdh buraan-burtay, fanaanad heestay oo lacagtii laga jarayo, Bal waa yaabe kuwa difaacayaa, waxay ugu hadlayaan askarigan kala xidhan ma wax kalaa, saw maaha isku  " Xaafad iyo Reer Hebel Baanu Isku Nahay" Iyaba waa yaabe iyaka oo noocaas ah oo cidna aanay ka qarsoonayn ujeedadda ay abu-kaataha ugu yihiin, bay weliba qof kale ku sheegayaan Qabyaalad buu wadda, oo ay ay ku dedayaan qaran baanu doonaynaa, iyada oo haba-yaraatee aanay meela ka jirin cadaalad, sinaani, Xoriyatul-qawl, wax wadda lahaanso, ee ay qoyska Askarigu ( Heego) keligoo ku raaxays-taan hantiddii ay ummadan ka boobeen.

* N.B Intaan doonidda wadaayo, Waxaan Doonana Helaayo, daruuraha aan Dul Seexdo. Maxaa iga doonaysaan-ba, Danays-taye, yeelka-diina?

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...