Madaxweyne Biixi Maraykan waxa ugu dambaysay 37 ka hor.

0
Sunday March 13, 2022 - 14:16:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Maraykan waxa ugu dambaysay 37 ka hor.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Laba jeer ayuu madaxweyne Biixi Maraykanka ku soo qaatay tababar Milatari. Ta koowaad waxa ay ahayd intii u dhaxaysay 1981—1982 oo uu ku jiray saldhiga Milatariga ciidanka cirka Maraykanka ee gobolka Ohaayo, waxaana saldhiga la odhan jiray " Dayton Air Base”. Haddana isaga oo sannad ka sii maqan Maraykanka ayaa loo diray tababar kale oo isla Maraykanka ah sannadkii 1983. Wuxuu galay xero tababar oo ku taal gobolka Firjiiniya oo la odhan jiray "Fort Lee”, waxaanu ku jiray 1983—1985. 



Markii uu soo dhammaystay tababarkii Firjiiniya ayuu qiimeeyey xaaladda ay wakhtigaasi ku sugnaayeen dadkiisii iyo guud ahaan wixii la odhan jiray Gobollada Waqooyi (Soomaalilaan-ta maanta). 5/5/1985 ayuu ka soo degay dalka Itoobiya, waxaanu toos ugu biiray xooggagii SNM ee dagaalka hubeysan kula jiray taliskii dalka xoogga ku haystay ee Maxamed Siyaad.


Booqashada Maraykanka 37 ka dib.

Saacadda afrikada bari marka ay tahay 4:00 galabnimo ayuu weftiga madaxweynuhu ka degi doonaa caasimadda Washinton. Wuxuu 37 ka dib booqasho ku tegi doonaa dal uu ka yimid isaga oo ah sarkaal aqoon-raadis ah, waxaanu booqan doonaa isaga oo ah halgamaa dagaal hubaysan ku jiray (1985-1991= 6 sanno), sidoo kale noqday madaxweynaha Soomaalilaan 2017-2022.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...