Waaba Kiiyoo Maraykan Tegay ( Abdi-Shotaly)

0
Sunday March 13, 2022 - 10:01:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waaba Kiiyoo Maraykan Tegay ( Abdi-Shotaly)

    * N.B Nin Waalan Ka Wax Ka Suga Baa Ka Sii Daran!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Nin Waalan Ka Wax Ka Suga Baa Ka Sii Daran!

 Kolba kildhi buu madaxa la galaa askariga jaahilka ahiye ee  " Xaafad-tooyaduye", oo uu hadhaw wax uga soo saara waayaaye, ilaa isaga iyo kildhiga-ba madaxa la isku jaro'e, maantana wuxu is leeyahay waxad wax ku helaysaa, oo lagugu doranayaa, Maraykan baan ka keenayaa Ictiraaf, saw waali dhab ah maaha?, Marna qaar afrikaan ah oo iyaku jiirarka cuna soo casuumayaa, Mar kale-na kuwo aan iyaku lugo ku taagnayn sidda "Taiwan" oo tiir ay cuskato la baa loo baryo tegayaa, oo la leeyahay wax noo dhiib, saw qar iska xoor maaha? Ma oga in ay ummadani ka horeyso boqol jeer, Marakayn baa i ictiraafaaya miyeynu ka dhegaysanaa? Ilayn kaynu ogayn uun weeye, oo weliba Caaqlinimo ku darsaday, horaa loo yidhi " Nin waalan qofka wax ka sugaa isaga baan dhamayn" Been ma sheega-yaashi khiyaaligu ugu faalin jirey, baa waxay ku yidhaaheen, waxa lagugu dooranayaa " Ictiraaf baa soo dhaw" Waase waali aan sahlanayn iyo wixiisii xilka lahaa ee uu la badhaacin jirey abid intuu noolaa. Iga gunta imika buu is odhanayaa dadka wax u sheeg ilayn isma oga'e, oo looma-ba abuurin maskax markiisa hora-ba'e, dabeed waa ogaan doon-taane, siddiisii buu " Cantara=baqashkii" uu qubi jjirey isla soo taagayaa isaga oo isl leh wax baad sheegaysaa, Ilayn waa kii oo maraykan tegaye, fanaka-cawdu-bilaah. Maalin-ba koodh baa loo gashadaa ummada'e, waxa lagu cabeeyey sidaas, Madax-nimaa iska ba'day markuu askarigu inoo sheegtay ( Weliba kani isku magacaabay)  " Raggii ma adigaa ka hadhay" waase iska nasiib iyo xaal aduun.

 

Xikmad Carbeed baa waxay tidhaahaa " Maxamed Cali Maa Yakhali Mehertahu" Oo micna-heedu yahay, qof-na kama tago caadadiisa ama wixiisii xumaa, Waa sidaas ah askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" la yimi shaqadiisii ahayd "Ila-meerayso" Wadaadkii ina Cabdille xasan baa waxa ku jirey gabaya-diisii mid-ka-mid ah " Dhaaxaan jalaadaye dheg baan jalaq la ii siine" Wax badan baan idin lahaa askariga ku jira " Xaafad-Tooyadda" mid wax ka go'aan maaha, oo maska-diisu caadi maaha, wuxu yahay kuwii uu Illaahay ku sheegay " Qu'raanka Kariimka ah" ee uu yidhi " Sumun, cumun, bukmun, fahum laa yacquluun" Oo fasilaa-deedu tahay waxa jira qaar " Indho la', dhego la', qalbi la' oo aan caqli lahayn, hadaba akhristaw,  adoon meel kale ka doon-doonin, qofka sifahaas lihi oon biyo is marin, weligiina aan daahirini, waa ninka sare ku yaal, ee sheegtay in uu yahay "Caqilka" Ee ku jira guriggii Moorgan. Maalin-ba ta uu keenaa tii hore ka daran, oo waa ka dar oo dibi dhal iyo wax ka sii xune, saaka bay ugu daran tahay, oo uu kolba derbi isku qaadayaa, markuu meel uu qabsado waayey, ee uu albaab kastaa ka soo xidhmay, saw maaha mar-kaas " Habar dhali waeyday, Alleelo ku waalatay" ma jiro hadeer dariq u faran oo uu ku sii war-wareegi karaa, iilka xabaasha buu ku jiraa, kaas oo aqoon xumaan-tiisa uu is leeyahay ifka baad dib ugu soo noqon doontaa, waase wax aan dhici karin. Murti baa waxay ahayd " Naf go'day iyo roob galbeed, mid-koodna haduu galbado, gadaal uma soo noqdo" askari-ganina waa sidda ay sheegayso murti-daasi ( Aladdii raax-raax) dib u soo noqon maayo, wax uga hir-gelaaya mudo korodh-sina haba-sheegin.

 

Odhaah baa iyana ahayd " Nin amabaday halkuu maray way ula ekoonayde, isagoo arkaayuu, wadadda eeri-go'an maraye" lnkastoo aanu weligiiba kob cagaar leh ka soo durdurin, oo uu ahaa goob xun yuurur aan tallo la weydiin, maantana wixiisii xilka lahaa buu is leeyahay waad ku sii wakhti dheraysan. Muwaadin, waad la socotaa waxa beryahan ka socdda ama laga soo malma-luuqaayo "Xaafad-Tooyadda" ee ku saabsan waxa uu ku magacaabay " Ururo Furista" Bal in aan lagu soo dhawaan, oo waali lagu sheegi karin laakiin ay tahay in uu qabo xanuunka la yidhaaho " Dementia" af-somaliga waa maskax "Maskax Fered" kaas oo ah qofka aan wax allaale iyo wax u kala soocani aanay jirin ee maskaxdii isku dhex yaacday, wuxu shalay yidhi aan xasuusn karin, ee isla isaggii beeninaaya, ilayn qof dhan maahee, "  kama ah Wax qas, ee hor illaahay waa ka ka bes. Akhristaw bal in ay xaajadu tahay yaabka-yaabkii, haduu doonaayo in uu furo ururadda, waa tii Wakiiladdii uu dhaameelka u tuuri jirey iyo guurti-duba ay u ansixi-yeene, muxuu u saxeexi waayey? Ee uu ugu soo celiyey "Golaha Wakiiladda Cusub" Saw xaalad abuur maaha, hadana uu sidan ugu kacayaa? Adba is weydiiyoo sidaas ma ku yahay qof caadi ah? Imika buu hoosta ka soo rib-dhayaa Kuwa uu ku shaqaysto ee ah " Xildhibaanadda Qudhmiye", iyo qaar kaloo uu hoosta ka guneeyo oo uu ku yidhi ururo baan idiin furayaa, Kuwaas oo ay ka mid yihiin jIndagaagay-ga Garxajis siiba Ina Murjin Maddoobe, oo Keliggii taliyaha Jabuuti $5000.000 ka dafirey, Ramaax  oo isna markii cid kale qaadan wayday, Xagala-toosiya oo cidla taagan dabadda geliyey, Daamur oo dhooqo dhex fadhiya iyo meelga-baahirig ah, Profesor Micna-yare iyo Buubaa, Cawil, oo tooddii u ila daran, laakiin uu asakrigu ku shaqaysto, una soo dhiibo kolba waxa uu la gabanaayo,



* N.B Nin Waalan Ka Wax Ka Suga Baa Ka Sii Daran!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...