'' Ethiopia Maxaanad Ka Ogayn ' .W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday May 28, 2019 - 11:37:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Ethiopia Maxaanad Ka Ogayn ' .W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Aduunyadda dawlado badan ayaa ka jirra , kuwaasoo leh magacyo ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunyadda dawlado badan ayaa ka jirra , kuwaasoo leh magacyo ,

calamo amaba ku jira naadiga qaramadda midoobay sidda dadku wada filan karaan , hasa yeeshee dawladaha aduunka ka jira siyaabaha loo qeexaa way kala duwan tahay , marar kalena si kale ayaa loo qeexaa .


Dawladaha qeexistooda hadii aynu wax yar ka taabano waxay u kala baxaan sadex qaybood .

- Dawlado sharci ku dhisan oo ah kuwo loo aqoonsan yahay dawlado , kuwaasoo u badan kuwii soo baxay dagaalkii 2 aad ee aduunka ka dib .

- Dawlado cudud ku dhisan oo ah kuwo leh cudud dhaqaale iyo milateri , hasa yeeshee aan lahay taariikho fog iyo xadaarad shishe .

- Dawlado xadaarad ku dhisan , kuwaasoo ah dawladaha gaboobay ee soo jireenka ah , waana kuwa jirey kun sanno iyo wax ka badan , waxaana ka mida, Iran , Ethopia , Russia , Englan , Chine iyo qaar kale .



Hadaba Itoobiya oo ka midda todobada wadan ee ugu xadaarad badan aduunyada , hadii aynu wax yar ka sheegno dhumucda xadaaradeeda .


Ethiopia waxay ku biirtay ururkii Umadaha ee League of nations 28 -september 1923 . sidoo kale waxay ka mid ahayd wadamadii laggu aasaasay ururka Qaramadda Midoobay 1945 .


Dhinaca kale , Ethopia Wasiirka arrimaha debeda ee Ethopia wuxuu ahaa sanadihii 1947 ilaa 1958 ninkii la odhan jirey Aklilu Habte-Wold , ninkaas oo ahaa nin Aqoon yahana oo culuunta siyaasadda iyo culuunta kaleba ku xeel-dheer , ahaana ninkii Reer galbeedkuna u bixiyeen Wasiirkii Qalinka
( Minster of pen ) .


Aklilu Habte-Wold iyo nin Lawyer ah , oo u dhashay Maraykanka la taliyena u ahaa Boqorl Haile Salasse ayaa dejiyay Khariidada Ethopia ee arrimaha dibeda ( Ethopia foreign policy ) .


Labadan nin oo ka qayb galay dacwadii Itoobiya u gudbisay ururkii Umadaha 1936 markii Talyaanigu kusoo duulay iyo doodii Qaramada midobay ka yeeshay arrinta Ereteria 1950 ,waxay ahaayeen laba nin oo khuburo ah .


Geesta kale , Dr Aklilu Habte-Wold waagii Soomaalidu xornimada qaadatay wuxuu haystay derejda PHD , waxaanu noqday Raysal wasaaaraha Itoobiya 1961 ilaa 1974 ,halka madaxdii hogaaminaysay dawladii Soomaaliya ee 1960 sidda Madaxwaynaha , raysal wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dabada midkoodna aanu ka bixin dugsi sarre .


khariidadaas la dejiyay afartamaadkii qarnigii horre dawladihii kala danbeeyey ee Ethopia waxbadan kamay badalin , iyada ayaana laggu shaqeeyaa halka Soomaalidu Wasiirkii meel loo magacaabaaba ku faano waa markii ugu horaysay ee waxaa la sameeyay ama anigaa bilaabay

Si kastaba ha ahaatee Ethopia waa dawlad guuna oo ku shaqaysa xadaarad gaamurtay iyo aqoon xeel-dheer .


W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...