Sida Carabweyn U Fashilantay Ayay Somaliweyn U Fashilantay

0
Saturday March 12, 2022 - 09:45:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sida Carabweyn U Fashilantay Ayay Somaliweyn U Fashilantay

    W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Jamhuuriyadda Somaliland waxaa leh ummadda Somaliland. Ciddii aan u dhalan waa inay sharci ku joogaan haddii kale ka baxaan intaan la tarxiilin sida Jabuuti iyo DDS ama dalalka kale ee adduunka. Adduunka kama jirto dal iyo dawlad aan la kala lahayn oo fawdo ah.

 

Somaliweyn way kala leedahay dalalka iyo dawladaha. Somaliweyn waxaa ku shaqaysanjiray dad gaar ah oo ku boobijiray dawladnimada Somalia, ummadana ku laynjiray, taasuna way fashilantay oo dhammaatay, mana jirto cid dambe oo lagu khiyaamaynkaro figradda Somaliweyn ee aan jirin. Somaliweyn waxay noqotay siyaasad lagu danaysto oo qof Somali ah u suurtagelisa inuu xukumo dad iyo dal kale oo Somaliyeed oo aanu u dhalan dabadeed kula kaco duudsi, xasuuq iyo burburin sidii ku dhacday ummadda Somaliland 30kii sano ee midnimadii fashilantay (1960-1990) oo ah dadkii iyo dalkii horseeday midnimadii Somaliweyn iyo sida maanta ka taagan Somalia.

 

Sida Carabweyn u fashilantay ayay Somaliweyna u fashilantay. Sida Carabtu u kala leedahay dalalka iyo dawladaha ayaa Somaliduna u kala leedahay dalalka iyo dawladaha. Somalia ayay weli ku dambaysaa in magac Somaliweyn been ah lagu xukumo laguna boobo oo Somalia ka degila’dahay laakiin dadka Somalia iyaguna way fahmeen hadda oo way u tashanayaan dalkooda, dawladnimadooda iyo aayahooda sida Jabuuti, Somaliland, DDS iyo Waqooyi Bari Kenya.

 

Somalidu iyadaa midnimadeedii iyo dawladnimadeedii ku burburisay qabyaalad iyo kelitalisnimo laga dhaxlay aafooyin dagaalo sokeeye, xasuuq, burbur iyo qax kala geeyay, sidaasna ay ku dhimatay riyadii Somaliweyn.

 

Ibrahim Hassan Gagale

March 10, 2022


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...