Waxaan Garasho Lagu Helin, Garacasha Lagu Helaa. Q: Abdishakur Gande.

0
Tuesday May 28, 2019 - 10:28:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Garasho Lagu Helin, Garacasha Lagu Helaa. Q: Abdishakur Gande.

    Waxaan Garasho Lagu Helin, Garacasha Lagu Helaa. Q: Abdishakur Gande.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan Garasho Lagu Helin, Garacasha Lagu Helaa. Q: Abdishakur Gande.

++++++++++++++++++++++++++++++
.
Wed 25 May 2018 بسم الله الرحمن الرحيم
.
Nin garasho leh baa gudda waxaad gayso. Nin garaacasho lehna wuxu gartaa waxaad gasho.
.
Dadka baa jecel in loo hiiliyo misana ay micno u samayn ama aanay abaal iyo maamus siinin cidii u hiilisay xiligii halganka. Kuwaasi amaan mooye way neceb yihiin dhaliil. Mana laha adkaysi ay mucaaridad ku xamilaan, muxaafidna ma xeeriyaan. Ma laha indho arka wanaaga qofka balse waxay arkaan culayskiisa. Adigoo halgamayuu u muuqan waxtarkaagu halka dhinaca aad lidka isku tihiin ka ladi laayahay culayska aad ku hayso ama uu ogyahay miisaanka aad u leedahay dhinaca aad la safan tahay taranka. Taasi waxay noqonaysa maahmaahdii somaliyeed ee ahayd "Nin garashu wax ku gartaa, ninna garaacashi".
.
Nin garasho leh baa gudda waxaad gayso. Nin garaacasho lehna wuxu gartaa waxaad gasho. Qiimahaaga hadaanad garasho ku helin waxa kula gudboon wax kastoo lagama-maarmaan ah salka ku haya Garaacasho.
.
.---Qofku intuu kutari karo ayuu ku yeeli karaa---.
------------------------------ ------------------------------ -----
.
Nin waxtarkaga garan wuxu garta waxyeladada. Qof waxtarkaaga garan karin. Ma fahmi karo amuskaaga waayo wuxu wax ku garta adna wax kaga heshaa garaacasho.
.
. --Horaa_Loo_Soconayaa--
--+-+------------+--+--------- ---+-+--
.
Qofku qiimahu leeyahay haduu waayo mar aan munaasib ahayn buu ku muujiya meel aan la jeclaysan. Si'uu qiimihiisa u xaqiijiyo qofku waa in uu hore usocdo oo aanu ku habsaamin doqonimda uu mudo u jilayay dantiisa darteed .
.
- Jidka uu u maraayo,
- Sida looga macaasho,
- Isagaa ka masuulee,
- Qof is waayay is muuji.
.
Hadaad aragto qof xilkii saarna si saxa u gutay misana waxqabadkiisu muuqan. Oo hagi karila inyar. Dhibtu waxay tahy in qofka/Masuulkaasi uu ka mug wayn yahay wuxuu hayo iyo ciduu u hayaba. Tusaale: Ka waran hadi mooto la saaro mishiin gaadhi? Dee wadi kari maayo ama mootadaasi dhaqaaqi mayso. Waayo? Way mishiinka ayaa mootada ka qaro wayn. Halkaa waxaad ka arkaysaa in mishiinkani u qalmin mootada la saaray. Ana munaasib ku ahayn.
.
. --Xaqiiji_Jiritaankaaga--.
------------------------------ ----------
✔Adoo gutay waajibkaaga
✔ Ayaa waxtarkaaga muuqan.
.
Hadaad joogto meel kugu haboonayayn ama mudnayn waxqabadkaaga oo waxaad qabato lagaaga mahadin ama laguu ogayn. Caqli, cilmi iyo karti kastoo leedahay wax u tari mayso. Wax kastoo qabatana muuqan maayo waayo waad ka qaro wayn tahay halkan yar ee kasoo muuqan laadahay.
.
Ka waran adigo Geeska Africa hogaamin kara haddaad qoys ku habsaanto? Ama adigoo aduunka hagi kara hadaad ardaa ku habsaanto?
.
Markastood iskoobto waa marka hogaanka laguu hayo. Markastoo isbalaadhisaana waa marka adigu aad hogaanka u hayso hanka doonistaada iyo rabitaanka naftaada. Markastoo ku fikirto in aad heegada sare gaadho waa markastaad maskax fiican leedahay. Markaad fikirkaaga fiican u bedesho ficil waa markaad leedahay karti hirgalisa himiladaada nololeed oo la xaqiray.
.
Waxaad heshaa inta hankaagu yahay. Waxaad gaadhaa halka himiladaadu tahay.
.
Abdishakur M Hassan
Abdishakur Gande
634200882 # 634454882
Boorama, Awdal Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...