Fadhikudirirkii Anig & Mid Galbeedka Burco Ah!

0
Thursday March 10, 2022 - 17:02:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fadhikudirirkii Anig & Mid Galbeedka Burco Ah!

    W/Q:Abwaan Cabdiraxmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Abwaan Cabdiraxmaan

Mushquul aan ahaa mudo ma tigin, galab aan shaqada ka soo baxay oo jimce ah bari oo kalena aan fasax ahay baan ku sii daayay mikhaayadii Soomaalida intaan idhi waar bal ragii lasoo sheekeyso. Markaan soo galay gees baan fadhiistay shaah iyo saanbuun baan dalbaday. Waxa isoo ag fadhiistay oo isna markaa soo galay nin Galbeedka Burco ah

 

Isaga: waar inaadeer ii waran ayaantan waa lagu waayoo laguma arage

Aniga: Waa nabade, waan joogee iska waran

Isaga: Kheyre, Bariga burcooy sow codka nasiin maysaan hadda wataan gudoomiyihiina idin siinee

Aniga: Waxaa cod kuma bixinee

Isaga: Oo waayo ileen Muusena waad ogtahay siduu idiin galee

Aniga: Siduu noo galay? Muuse iska daayo maxaa haysaan idinku?

Isaga: Gudoomiyihii uu Muuse idiin diiday baan idin siinay isku degaana waan nahay markaa hadda reerka inta kale waa waddani miyaad ka duwan tahay adigu.

Aniga: Waar jeegaantu waa soo noqonaysaa

Isaga: Oo markaa meeshu ma mikhaayad aad idunku leedihiin baa? Waa markaygii haddii kale dagaal baan ka xignaa.

 

Horta haddaad xisbi u olololaynayso waan aad sheegi karto wax aad dadka ku soo jiidato, haddii kale waa in aad iska aamusto ileen adaaba dadka ka eryaya xisbigeeye.

 

Qorshe iyo barnaamij cad oo ay Hogaanka sare iyo tageerayaasha hoose raaci karaan oo kursiga lagu gaadhayo waa in ay layimaadaan reer Waddani qaylo  iyo muran cad lagama rabee.

 

W/Q:Abwaan Cabdiraxmaan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...