Keli-talis:

0
Thursday March 10, 2022 - 16:56:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Keli-talis:

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Somalidu waa duul eebe weyne ku galladay dhaqamo door ah oo lagu majeerto duniduna ku muunayso.

Halka mararka qaar aad arki karto Kuwa laga sariigto iyagoo dul kulaalaya.

 

Somali intii eebe dunida ku uumay may lahayn maamul dhexe oo ay ka shidaal qaataan amarkoodana u dhiibtaan gumeystaha kahor.

 

Waxa la ogsoonyahay in ay walaaloobaan marka ay colaadaha ba'ani degaanada ka jiraan waa marka Tolnimadu ay shaqayso ee lagu maah-maaho *Tol waa Tollane waa marka keliya ee ay isku diir-naxaan ee damqashada dhabta ah ay isku muujiyaan.

 

Dhaqanada somalidu aanay jeclaysan waxa kamid ah Kelitaliska oo ah ninka maroorsada talada reerka ee hadiiba Amarkiisa ku fuliya wixii doono kuna daadifeeya wixii uu darraabo ee uu fogeeyo.

 

Cali dhuux oo ahaa nin kamid ah suugaanyahanada somalida kuwa ugu foolaadsan ayaa jeer u arkey sayidkii daraawiish u talinayey inu yahay keli-talis doonaya inu dad iyo duunyada taladii uu go'aamiyo uu ku dhaqo, kii uu doono uu dilo, mid uu xujeeyo midna uu geed ku xidho ama xoolaha ka mooro-duugo.

Cali oo la yaaban qaadana waayey talada keliya ee sayidka ku ururtey ayaa habeen isaga iyo koox uu wateyba ka baxsadeen golihii daraawiishta.

 

Hadaba cali oo sheegaya inu hadda xoriyad ku noolyahay ayaa ku gabyey meerisyadan:

 

-Hadalkii la tuugeysan jirey waa ka toganaa

-Nina ima taxaabo oo anaa tey ku meel mara.

 

Markaad dib u eegto Dhaqanka somalida waxaad arkeysaa in aanu jirin qof reer u arimiya oo keligii Tallo uu qaatey uu reer ku dhaqo taa waxa caddeynaya Hawraarta tidhaahda (Gobi guddoon mudan) oo macneheedu yahay dadka go'aanka reerka uu ka go'aa waa guddi reerka ama beeshu leedahay hayeeshee somalidu waxay lahayd qof ku dhawaaqa talladaa reerku gaadhay kaas kuwan midood ahaa(boqor, suldaan, malaaq, garaad, wabar, islaan, islow, beel-daajiye kuwaas oo guud ahaan ah madax-dhaqameedka soomalida.

 

Hadaba Waxa isweydiin mudan Hadii meel laguu dhiibo oo in aad u taliso laguu igmaday waa maxay sababta qofkaa hadana loogu tilmaamay inu keligii taliye yahay?

 

Dadka somaliyeed ee ku cel-celinayey kelitaliye waxaan weydiinayaa oo hadaa miyeynu wada talinaa?.

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...