Degmada Allay-baday Waa BEER Beerkana Hilibka Ayaa Lagu Sugaa!!.

0
Thursday March 10, 2022 - 13:03:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Degmada Allay-baday Waa BEER Beerkana Hilibka Ayaa Lagu Sugaa!!.

    W:Q:- Abdisiis Ali Abdikariim.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W:Q:- Abdisiis Ali Abdikariim.

Mudo hada laga joogo 2 Week ayaan booqday qaybo ka mid ah Gobolka Gabilay, Sida Degmada Arabsiyo, Wajaale, Kala-baydh, Allay-baday, Geed-balaadh iyo tuulooyin badan oo gobolka uun ka tirsan.



Hadaba intii aan dhul waynahaa Gobolka Gabilay soo marayay, Waxay indhahaygu qabteen Wax qabadyo badan oo laga qabtay Degmooyinka kala ah Arabsiyo, Kala-baydh, Wajaale, iyo Geed-balaadh, kuwaasi oo wax qabad la taaban karo oo ay mahadiyeen dadka deegaanadaasi uu ka muuqdo.


Dhanka kale waxaan aad ula yaabay oon u qaadan waayay, Sida ay tahay Degmada Allay-baday oo gabi ahaanba ka aradan baahiyaha aas Aaska u ah nolosha bulsho iyo deegaan, Oo aad mararka qaar is odhanayso miyaanay Degmadani ka mid ahayn Gobolka Gabilay oo aanay ka tirsanayn?.


Waxyaabaha Degmada Allay-baday aadka ugu baahantahay ee dadka ree Allay-baday ay tabayaan in loo qabto, Waxaa ka mid ah Saldhig Boolis, Xarun Caafimaad, iyo Goobaha Waxbarashada.


Fikir ahaan ani waxaa iisoo baxday in Degmada Allay-baday ay tahay, (BEERKII Hilibka Lagu Sugayay), waayo waa Degmo Doorashada uun ay ku sugaan dadka kasoo jeedaa, Oo marka cod loo baahdo loo kala dheereeyo, Marka codka laga soo qaatona dhabarka loo jeediyo, Taas oo la mid ah beerkii Hibilka lagu Sugayay oo kale. Waayo Beerkaba inta Hilibku bislaanayo uun baa lagu kala badiyaa, Marka Hilibku bislaadona meelahaa ayaa la iskaga daboolaa oo cid danbe dib uma eegto.


Degmada Allay-baday waxaa hagraday oo Beerkaasi Hilibka lagu sugayo ka dhigay Siyaasiyiinta ka soo jeeda, Waayo Degmooyinka kale ee wax qabadku ka muuqdo ee gobolka Gabilay ka midka ahna waxaa halkaa gaadhsiiyay waa dadkoodii oo u hagar baxay, oo halkii ay doonayeen gaadhsiisayay Hiigsanaya inay la tartamaan Degmooyinka kale ee Somaliland.


W/Q: Cabdicasiis Cali Cabdikariin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...