Qalliinka Dumarka uurka leh ayaa ku soo badanaya Deegaanada Soomalida,Haddaba maxay tahay Sababtu?

0
Thursday March 10, 2022 - 10:41:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalliinka Dumarka uurka leh ayaa ku soo badanaya Deegaanada Soomalida,Haddaba maxay tahay Sababtu?

    Dr Aniis oo ka Tirsan Dhakhaaiirta ka hawl gala Cisbitaalka Gargaar ayaa Sidan kaga jawaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Aniis oo ka Tirsan Dhakhaaiirta ka hawl gala Cisbitaalka Gargaar ayaa Sidan kaga jawaabay.

"Maxaa dumarka loogu qalaa ilmaha waqtiga foosha? Maxaase inagusoo badiyay waqtigan ee dumarkii hore aanay ugu badnayn?



Waa suaasha ugu badanee la waydiiyo dhakhaatiirta ku hawlan dumarka xanuunadooda iyo qaliinkooda.

Hadaba intaynaan ka jawaabin maxaa inagu badiyay, aynu isla eegno horta maxaa dumarka loo qalaa waqtiga foosha?


Arrinkan dhakhaatiir iiga cilmi badani way ka hadleen balse hadaan soo ururiyo waa sadex sababood iyo faracooda. Sadexdaa sababood waxa layidhaa the 3P’s.


1. Power/Awoodda: fooshu waxay u baahan tahay in makaanku is duubo, hadii makaanku joojiyo cadaadiska, ilmuhu sooma baxo, waa sababta kaliya ee wax laga qaban karo oo waxa la siiyaa irbado radiid keenaya oo makaanka cadaadiya, hadii irbadahaasi shaqayn waayaan ayaa la qalaa gabadha uurka leh.


2. Pelvis or mother related causes, Misgaha cabirkooda iyo asbaabaha hooyada la xidhiidha: hadii hooyada miskageedu yar yahay, waxay cidhiidhi ku keenaysaa ilmuhu inuu soo maro, taasina waa sabab aan dawo waxba lagaga qaban Karin qalliin mooyaane. Hadaba maxay yihiin asbaabaha hooyada ee kale. Waxa kamid ah.


• Hooyada oo dhiig kar ku dhufto ilmaha iyo iyada wax yeelayaa.

• Hooyada oo qabta xanuuno aan u saamaxayn foosha sida wadno xanuun oo kale.

* hooyada oo qaliin hore soo martay kadibna laga cabsado in fooshu makaanka dhaawacdo.

• Hooyada oo foosha ku daasha, oo afka makaanku is furi waayo (cervix).


3. Passenger/ Macno ahaan maaha rakaab ee waa ilmihii Meesha soo marayay sababo la xidhiidha, oo ay ka mid tahay:-

• Inuu ilmuhu gudban yahay, adkaatana inuu soo baxaa

• In ilmahu ku dhex siriro foosha oo socota

• In ilmaha madheertu isku duubto ama kasoo horrayso oo laga baqo inuu neef qabatoobo

• Ilmaha oo soo degi waaya makaanka oo furan

Asbaabo la xidhiidha xaalado degdega oo kale

• In madheertu qaraxdo foosha oo socota, dhiigbaxna laga cabsado.

• In madheertu isku gudubto afka makaanka oo marka ilmuhu soo baxayo keenta dhiig bax saaida

Hadaba dadkeena maxaa ciladahan ku badiyay dumarkeenna?


Dumarii hore:

• hooyooyinkii hore adhi ayay raaci jireen maalin walba, shaqo ayay faraha ku hayyeen, socodkoodu joogto ayuu ahaa taasi waxay saacidi jirtay in ilmuhuna kusoo dego afka makaanka, isla marka fooshu bilaabantana hooyada oo adhi la joogtaa intay iska umusho reerka kusoo noqon jirtay iyadoo ilmo sidata.


Dumarkan danbe:

• hooyooyinkan danbe maalinta ay uur qaado waxa shaqadeeda oo dhan ka caawiya qof shaqaale ah oo loo qabtay ama reerkeeda, cunto alaale cuntada ay doonto oo aan caafimaad ku jirin ayay cunaysaa, maalin oo dhan tv ayay daawanaysaa ama


fadhigaba kama kacayso, ilmihii oo meel sare ku takhlan ayay fooshu u timaaddaa dabadeed waa sabab kamida in la qalo.


• Waxa kaloo jirta nolosha hooyooyinkan danbe haday noqoto socod ama cunno, maaha wax caafimaadkeeda u wacan, tanina waxay keentaa xaalado dhiig kar ah inay yeelan karto amaba ilmuhu ku waynaado hadii macaan ku dhaco hooyada oo uur leh,


• Hadaba dadka qaar ayaa u haysta. dhakhaatiirtu jecel yihiin qaliinka, balse runtu waxa weeye qaliinku waa talaabada u danbaysa ee digtoorku qaado, waayo qaliinka lama saadaalin karo wax ka iman doona.


Bal u fiirso hooyooyinkeena danbe, oo waxaad la eegtaa liiska xagga sare ku xusan, waxa la odhan karaa boqolkiiba 90, hooyooyinkan danbe ayaa u nugul in uu dhaco filanwaaga xiliga foosha ee sababi kara qalliin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...