Ferguson Muxuu Kaga Dareen Celiyey Guushii Dunidu La Yaabtay Ee Kooxdiisii Man United Ka Gaadhay PSG?

0
Thursday March 07, 2019 - 16:36:32 in News by
  • Visits: 1603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ferguson Muxuu Kaga Dareen Celiyey Guushii Dunidu La Yaabtay Ee Kooxdiisii Man United Ka Gaadhay PSG?

    Ferguson Muxuu Kaga Dareen Celiyey Guushii Dunidu La Yaabtay Ee Kooxdiisii Man United Ka Gaadhay PSG?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ferguson Muxuu Kaga Dareen Celiyey Guushii Dunidu La Yaabtay Ee Kooxdiisii Man United Ka Gaadhay PSG?

Sir Alex Ferguson ayaa soo booqday qolka labiska kooxdiisii hore Man United markii ay dhamaatay ciyaartii ay sida lama filaanka ah uga soo gudbeen Paris Saint Germain, balse nasiib darro suuragal uma noqon inuu la sheekeysto xiddigiisii hore Ole Gunnar Solskjaer.


Sida uu qudhiisa ka dhawaajiyay macalinka kumeel gaarka ah ee reer Norway, wuxuu qiray inuusan nasiib u helin inuu sheeko la qaato Ferguson kadib ciyaarta sababtoo ah sawaxanka qolka labiska oo ahaa mid kacsan, balse wuxuu uga mahad celiyay sida uu nafsad ahaan u dhiirigaliyay.

Red Devils ayaa timid magaalada Paris iyadoo qabta guuldaro 0-2 ah oo kusoo gaartay gurigeeda Old Trafford, waxeyna aheyd kooxda ugu cad-cad ee ka hari karta tartanka, balse si layaab leh ayey 1-3 guul ah ugu gaareen Parc des Princess.

CiyaartoydaMan Unitedwaxey ka faa’ideysteen qaladaadka xiddigaha kasoo horjeeda tiiyoo ay jirto in dhamaadka ciyaarta lagu abaalmariyay gool ku laad uu ansixiyay Rashford, sidaas darteed farxadda qoyska United xalay waxey aheyd mi sare.

Ferguson kadib kulanka wuxuu booqday qolka labiska ciyaartoyda Red Devils, balse Ole ayaa si xiiso leh uga jawaabaya sidey wax u dhaceen.

"Ma aanan sheekeysan karin, sababtoo ah sawaxanka ayaa saa’id ahaa” ayuu yiri macalinka kumeel gaarka ah ee Red Devils.

"Dabcan jawi aad u weyn ayuu ahaa, waxeyna noo aheyd wax weyn inaan macalinkeena halkaas ku aragno” ayuu hadalkiisa kusoo dhameeyay OLE.

 

 


Loading...
Loading...