Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Dagaalada Ceel Afweyn Iyo Loolanka Kulmiye (Qaybtii 70aad) Maxamed Xoosh

0
Tuesday May 28, 2019 - 10:21:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Dagaalada Ceel Afweyn Iyo Loolanka Kulmiye (Qaybtii 70aad) Maxamed Xoosh

    15 sano u danbeeyay waxa balaadhay farqiga u dhaxeeya bulshada reer somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

15 sano u danbeeyay waxa balaadhay farqiga u dhaxeeya bulshada reer somaliland

ee miyaga ku nool iyo bulshooyinka magaalooyinka ku nool sababo badan awgood balse aan ka xuso dhawr ka mid ah

Bulshooyinka Magaalooyinka ku nool waxa keliya u warama warbaahinta

Bulshooyinka miyiga ku nool waa dad weli dhaqankoodii hore haysta oo waxba iska bedelin "iyagaa runta u dhaw”

 

Dilalka ka dhaca Ceel afweyn bulshawaynta waxa loogu waramaa inay yihiin shilal ay gaysteen beelo colaadi ka dhaxayso waxaan loo sheegin in gacan siyaasi ahi ka danbayso mararka qaarkood

Shirkii garadag ka dhacay 2008 heshiisyo ka dhex dhacay labada garab ee beesha bariga burco waxaa ka mid ahaa in gacanta hore la siiyo Siilaanyo oo burco ka soo jeeda Gacanta danbena lagu wareejiyo Beesha Ceel Afweyn iyo Garadag 

Suaasha isweydiinta lihi  waxa weeyaan maxaa isku soo beegay shirka Boqor buur madow ee BURCO labadeeda daamood u dhaxeeya iyo shirqoolada ka dhacay Ceel afweyn xiligan ?

Waxa jira siyaasiyiin ka faaiidaysta marka ay shilalku dar ilaahay u dhacaan, iyo siyaasiyiin sameeya shilalka si ay muraadkooda u gaadhaan "Somalilnad wey ku yar yihiin imika”

Waxaan xasuustaa Siyaasi Maxamuud xaashi oo ku celcelin jiray halhayso u eekaa marka fagaaraha la isku yimaad waa la arki NINKA SIYAASI AH iyo ninka ay hadal ka tahay "Kuma tuhmayno Maxamuud Xaashi Cabdi Xaash,e” Wuxuuse haystaa Kaadhadh badan oo ciyaari karo !!!

Maxamuud Xaashi habeenkii daahfurka buuga Siilaanyo si sarbeeb ah ayuu madaxweyne Muuse Biixi ugu yidhi Xisbiga Kulmiye igu soo wareeji kumuu darin hadal kale

 

Sida la ogyahay colaadaha beelaha u dhaxeeya ee ka dhaca somaliland waxay kalifaan Miisaaniyada Somaliland malaayiin dollar sanad kasta oo ku baxa nabadayta beelaha walaalaha ah

Markay sidaad tahay Luqada siyaasiga ah ee lagu wada hadlayaa waxay noqonaysaa

"HADII LA IGU WAREEJIN WAAYO XISBIGA KULMIYE, MIISAANIYAD BADAN OO KU BIXI LAHAYD HORUMARKA DALKA WAXAY KU BIXI NABADAYNTA BEELAHA WALAALAHA AH EE SHAYDAANKU ISKU DIRAY”

 

Guntii iyo Gabagabadii waxa muuqata in Siyaasiyiinta hargeysa ka soo jeedaa ay hayaan hadal iyo xagxagasho is garbin xagga Siyaasiyiinta iyo bulshada ka soo jeeda bariga burco aanay kaftamayn oo ay u noolyihiin sidii dabiiciga ahayd ee Soomaali ahaan jirtay  

 

Alle Ayaa Mahad Leh

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...