Ka Daa Ha Taaban Nabarka Caashaqa Qaybtii 3aad.
Waxaa si kadisa labadayda dhinac u soo fadhiistay Shankaroon Axmed sagal iyo Sahro Siyaad oo labadooduba ka mid ahaa hobaladdii dalkeena caanka ka ahaa.
Salaan kaddib, sida aan horay idinku sheegay hurdo ayaan ka soo kacay, waxaa aan yara fadhiistay jardiinka guriga, dabcan waxaa aan doonayay in suuliga galo, tawaal ama shukumaan ayaa garbaha ii saarnaa oo qaarka kore ayaan qaawanaa.
Shankaroon Axmed sagal iyo Sahro Siyaad waxay arkeen feedhahayga halkaas naaska korkiisa dhowr meelood dab igaga yaalo, waa astaantii jacayl ka oo waa halkii gabadhii aan jeclaa gacanta naxariista badan iga saartay, balse gadaal xanuun badan igu reebtay dabkii aan waagaas jidhkayga ku gubay si kaarka iyo kulaylka uga bogsoodo, nabaraddi oo wali jidhayga ka muuqda ayay Shankaroon Axmed sagal intay farteeda sidaa u saartay ayay igu tidhi.”Abwaan meesha lagaa gubay maxaa kaaga dhacay?”
Intaan gacantii qabtay ayaan si dareen leh u idhi
‘Ka daa ha taaban nabarka caashaqa!'” markaasaan u raaciyay,
Halkuu nabarka caashaqu
Naafeeyay bari hore
Naxdin li’i ha taabaninee,
Intay qosleen ayay dhaheen waa erayo miisaan leh oo dareen jacayl dhaba ka turjumaya ee soo dhammaystir, oo aniga ii dhiib iyo anigaa qaadi doona ayay igula kaftameen,
Muddo kaddib erayadi waa soo dhamays tiray waxaana nasiib u yeelatay oo codkeeda dabacsan ku luuqaysay Kinsi Xaaji aadan
Waxaa kamid erayada heesta.
Halkuu nabarka caashaqu
Naafeeyay bari hore
Naxdin li’i ha taabaninee
Hataabaninee
Waa naruuro sheekadu
Waa nasteexo eegmadu
Naf wax jecel ahaa ahaa
Soo noqo soo noqo
Kolay kama nagaadee
Niyadayda ma ogtahay…
Woow Waad mahad santahay Abwaan runti waa sheeko xiiso leh ,
Dhanka kale Abwaan Maxamuud Qaaqay waxaa aan ku weydiiyay dadku aad ayay ugu kala aragti duwan yihiin xaqiiqada ku gadaaman in jacaylku dhab yahay iyo in kale, arrintaasna waxaa xaqiijin kara oo kaliya qof jacayl ku dhacay oo dhib iyo dheefba ka arkay, markaa adigu Abwaan ahaan inkastoo haddaba qiso jacayl oo kugu dhacday aad nooga sheekaysay haddana maxaad ka aaminsantay jacaylka?
Kaddib ayuu yiri: Horta marka hore jacaylku waa wax dhab waana wax jira, horaa loo yiri Haddi aan jacayl jirin aduunyaddu ma joogteen. Aniguna waa taan horay u idhi
"‘hadduu yahay bar kuma taal
Abwaan uma balweeyeen
Ma boqreen Hadraawiba Beer lula ma sheegeen”.
Markaa jacaylku waa wax jira.
Waa si fiican Abwaan hadalka aan kaa dhax galo
Waxaa igu maqaala ah heestan halku dhigeedu yahay Caashaqa ma baran wali, inay jawaab u tahay Heestii uu tiriyey abwaan Hadraawi ee Baladweyne, een een arrintaa maxaa ka jira?
Haa waa run waa sidaa.
Heesta Baladweyn, uu Abwaan Hadraawi tiriyay waa hees aad u qiimo badan aadna loo jecel yahay wax badana koobsatay waa mida koowaadee abwaan Hadraawi wuxuu heesta ku soo bandhigay sheeko jacayl oo isaga iyo Beerlula dhax martay, mida labaad sawir qurux badan ayuu ka bixiyay magaalada Baladweyn, sidioo kale abwaanku wuxuu u garnaqsadsy isaga iyo taliyihii ay wada socdeen, ugu dambayn abwaanku magaalada wuu u duceeyay Marka aniguna
Heesta caashaqa ma baran wali ayaan tiriyay
Dhulkoo meel barwaaqa ah
Oon la hayn bad iyo wabi
Dhirtu ay ku badantahoo
Baryo laydhsi loo tago
Buurta gacan libaax ee
Ku yaal baydka raaxada
Ma ku sii baraayoo
Bariba ma isku raacnaa?
Waxaa ku luuqeeya Kinsi Xaaji aadan iyo Cabdullaahi xarago….
Dhammaad……
W/Q: Yaasiin Xasan Muuse
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!