Dagaalka Ukraine Iyo Samayna U Innagu Yeelan Doono.

0
Wednesday March 09, 2022 - 10:32:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Ukraine Iyo Samayna U Innagu Yeelan Doono.

    W/Q Mohamed Aden Haasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Haasan

Xiisadda dagaal e labada dal e ugu wayn Europe waa Russia iyo Ukraine  e ayaa cirka isku sii shareeraysa iyada o laga cabsi qabo in ay dawladdo kale kuso biraan dagaal ka oo  Nato ah  waliba iyada o aan la muujinayn in ay Nato si toos ah dagaalka ugu jirto.

 

Sida aad ka war haysaan dagaalku waxa u maraya meel halis ah o ah in shacab badan Qaxeen o xadka Poland ka talaabeen sido kale dalki dhamaa e Ukraine  dhulka lala simay o xabalo wadareed u noqday wallow aan casimada wali lagu kala bixin iyo dhawr magaalo o kale , halka ruushka ay soo gaadhay in aanu si deg deg ah ugu gulaysan dulaanki u qaaday o wax aanu filayn u meeshu ugu soo baxay isaga o la kulmay cuna qabatayno , dhaqaale o dhinac walba leh xataa heer la gaadhsiyay in laga tuuro nidaamka SWIFT: society worldwide interbank financial Telecommunication o ah nidaamka isu sahlaya in ay Bankiyada dunidu ay lacagta isu diraan si secure message ah o sahlaya in Qofka macmilka ah lacagisu u ku helo si online ah o fudud , waxa kale o la bar tilmaamedsaday kanaladi TV  yada iyo baraha bulashadda iyada o waliba ruushku u dhiig baxayo o isagu weerar yahay isla markaana u ciidan iyo cudud lixaad leh dagaalka ku waayay.

 

Waa maxay salka colaada e labadan dal?

 

Labadan dal e ugu wayn Qarada Europe xudunta khilaafka iyo dagaalku waxa weeyan si kooban Ukraine o damacsan isla markaana fulinaysa qorshe ah in ay ku biirto midawga gashaan buurta Nato iyo midawga reer Europe sida daraded ruushkuna wa kasoo horjeda o haddi ay ku biirto Nato waxa ay soo fadhisanaysa dhuunta iyo sanka u ruushku ka neefsado sida daraded awoodi iyo hanki ruushka aya mesha ka baxaya o ruushkaba wa la waayi kara o waxa la odhan doona mar bu jiri jiray dal la odhan jiray Russia sida hadda ka hor midawgii soviet ku.

 

Samayn nooce ah ayu dagalkani yeelan karaa?

 

1.     Dhaqalaha dunida ayaa dhulka gali doona sido kale patrol ka ayaa hawada qaban doona dawladdaha khalijkuna way ka faa”idi doonan o kor ayay u qaadi donan patrol ka inagana shidaalka qaali ayu noqon doona.

 

2.     Xaladda nololeed e dunida aya kasi dari doonta o dadka hayntoodu yartahay ayaa hawada ka bixi doona noloshuna wax walbaa qaali ayay noqon doonan.

 

3.     Waxa iman kara dagaal wayn o si toos ah u wada galaan nato o dhinac ah iyo labada quwadood e Russia iyo china o dhinac ah taas o cirka kusi shareeri doonta nolosha dunida oo xalado badan la daala dhacaysay in dhawaytaba.

 

4.     Dagaalka qabooba o dunida o si toos ah u bilowday isla markaana waliba ka daran kii kal hore o hadda cid walba hub waawayn ayay samesatay o waxa laga cabsi qabaa in nuclear laysu adeegsado.

 

5.     Waxa xoogaysan doona dagaalka hoosta yaaca sida dagaalka inter netka , dagaalka diplomaciyadda , dagaalka ku dhufoo ka dhaqaadda waxaana bilaab maya shuftooyin badan o dunida ah.

 

6.     Sido kale mesha waxa ka baxaya kala baqdinti iyo kala cabsashadi dunida waxa sido kale bilaabmi doona dawlada badan o iyana si toos ah isu dagaala sida  iran iyo dadka aan dalka lahayn e yahuuda , Pakistan iyo india , south Korea iyo north Korea , dalalka carabti iyo iran iyo dalal walba o is haya hadda iyo kuwa soo bixi doona.

 

7.     Waxa mesha ka bixi doonta kaalmadi la siin jiray dawladdaha dunida e soo koraya o ku tiirsana kaalmo dalal shisheye o African ku u badnayeen taas o dab iyo xasarado dunida kusii shidi doonta.

 

Halke dagalkani gaadhi doona akhirka ?

 

1.     Putin ba gulaysan doona waxa uuna dhisi doona dawlad maqaar saar ah qorshaha ku xigaana waa in u Europe ta bari is hoos keeno xoog iyo xaylad ilaa u gaadhi karo darbigi Berlin e Germany isla markaana hadafkisu ugu wayni yahay in u NATO mesha ka saaro iyo in u baabiyo midawga reer Europe e European union o u kala fur furo.

 

2.     Ukreine way gulaysan kartaa haddi ay hesho sanad ciidan iyo tagero cidan o dalalka reer galbeedku si hagar la’aana u bixiyaan haddi jaanta laysla helo ruushka xaalka wu ku adkaan karaa o dagaalku wu kusii fidi karaa ilaa dalkisa gaar ahaan qaybta Europe e dalkas isla markaana gudaha rassia aya lagu dagalimi karaa.

 

Maxaa cashar ah e aan ka baran karnaa dagaalkan ?

 

1.     Nacas na loo sheegi mayo nin ragana waa garan karaye aynu fadhiga ka kacno o hub iyo cidan xogan aan diyaar sano o aan kaga hor tagno cid kasta o duulan inagu noqon karta gaar ahaan dawladaha jaarka ah si aan wax iskaga difaacno isla markaana aan dhisno dhaqale xogan iyo aqoon siinta dhalin yaradeena o aan si fiican u taba barnay dhinac walba o nolosha ah.

 

2.     Cidna yaynan la safan qaar kalana yaynaan coladin waa in aan mar walba ciyaarna siyasada dhex dhaxaad ka ah sababto ah dal yar baynu nahay o hadda soo koraaya teeda kale aqoonsi ma haysano sida daraded yaynaan dhex boodin dagaalka quwadaha waawayn e faraha lagaga gubanayo haddi kale sidas ukriene aya inagu dhacaysa o manta aan haysan cid u hiilisa u ku wii lahaa NATO kuso biira anaga wax idinka celinayna ee wakaas dagaalki kaga baxay o cunaqabatayn mooye xal millitry ma leh o labada dhinac ba isku may darin xal cunaqabatayn iyo xal dagaal ba.

 

3.    Dal jaarkaaga ah o ka awood wayn haka kirayn kabayashada dhaqale sida dekadaha , garomada diyaradaha iwm , fadlan linkigan ka akhriso maqaal aan hore ugu qornay dekada saylac iyo damaca Ethiopia : https://burcoonline.com/articles/108032/Saylac-iyo-Ethiopia-W-Q-Mohamed-Aden-Hassan ,  sidan aan hadda ka hadlayno waxa ay ku dhacday ukreine isla lafteeda oo daked ka kiraysay Russia sanadki 1997 march badda madow taas o saami ahaan lo kala helyay Russia (81.7%) iyo Ukraine (18.3%) taas o dhamayd maal galin dhan  $526 million balse marki danbe ay Russia qabsatay Crimea 2014 isla markaana ay dalkii Ukraine ka bilowday kooxo abaabulan o dawladda kaso hor jeeda o Russian asal ahaana o qaybta bari e dalka daga isla markaana ah 17% taas o ilaa manta dalki ukriene aanu ka baxayn dagaalo joogt ah.

 

4.    Wax beerasho wax beerasho , wax kayd sasho wax kayd sasho , wax qabsasho wax qabsasho iyo dadaal naf hur nimo leh dalkena waad ka war haysaan dawladu waa in ay la timaada siyaasado wax ku oola ah o dadka noloshada badala dadkuna waa in ay fadhiga ka kacaan o hore lo socdo manta waxa dunida bad badaya ninki wax beertay wax soo saarna leh isla markaana hub haysta ayanay cidina ku soo dhacayn hadi lagu soo dhacana wax iska celin kara.

 

5.     Arrinta ugu wayni waa in aanay dalalka reer galbeedku aanay waxba ka aqoon o been cad ay tahay in bil aadanimada ay yaqanaan taas waxa cadaynaysa in dadki ka qaxay e dalalkoodi la dumiyay sida Syria , Libya , Yemen iyo qaar kalo badan in aan si wacan loo qabilin isla markaana wixi colaad ah e dhacday in aan cidini ay wax iska waydiin halka manta Ukraine looga hadlayo aad la wada socotaan isla markaana ay xataa warbahinti galbeedku ay si consiriyad leh uga hadleen in aanay sinayn qaxootiga Europe iyo kan dalalkaas bur buriyay.

 

Gaba gabadii:

 

 Dunida xaalkeda waan la soconaa waa in aan ka war haynaa Xaladan hadda tagan iyo kuwa iman doonaba dagaalkani waa wajiyo badan doona sidaan kor kusoo xusnaba isla markaana waa isla sii eegi doona halka ay wax sal dhigtaan insha allah.

 

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan      

Email: [email protected]

MOHAMED ADEN HASSAN


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...